Madaxweynaha Oo Shacbiga Iyo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyey Geerida Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay)
February 25, 2016 - Written by Berbera Today
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo ku geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 25/02/2016 Magaalada Hargeysa.