Daawo Muuqalka”Aas Qaran Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
February 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Alleh ha u naxariistee waxaa maanta si heer qaran ah Magaalada Hargeysa loogu aasay Marxuum Saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay oo mudooyinkii u danbeyey xauun u jiifay

Aaska markuumka ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha xisbiga Waddani , Wasiiro, xildhibaano, saxafayiin , culmo awdiin iyo dadweyne kale
Gudoomiye Ciro , Wasiir Cukuse , Wasiir Cadaani iyo qeybo ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa ay halkaasi tacsi ugu direen ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay marxuumka waxaana ay ilahay uga baryeen in uu qabriga u balaadhiyo naxariistii jano fardowsana ka waraabiyo.
https://www.youtube.com/watch?v=hQ0K1fgBZwo

Marxuum Saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid ayaa waxaa uu ahaa rug cadaa saxaafadeed waxaana uu ka mid ah mid ka mid ah tiir dhexaadka saxaafada isagona ka mid ah aas aasayaasha wargeyska Saxansaxo oo Hargeysa ka soo baxa.
Hadii Aanu nahay Maamulka iyo shaqaalaha shabakada wararka ee Ilaysnews waxaanu dhanbaal tacsi ah u direynaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay
Inaalilaah Waa ina ilahay rajucuun ilahay ha u naxariisto












Ilaysnews/Hargeysa Office