berberatoday.com
Mid Ka Mid Ah Saraakiishii Siyaad Barre Ee Ku Eedeysan Xasuuqii Loo Geystay Shacabka Somaliland Oo Farriin Usoo Diray Madaxweynaha, Baarlamaanka & Maxkamadda Sare Ee Somaliland
February 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hay’adaha Caalamiga ah ee Amnesty Internatiol iyo Human Rights Watch oo diiday Codsi uu u dirtay

Hauge(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah Saraakiishii Milletariga ee Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee ku eedaysan inuu gacan ka geystay xasuuqii ka dhacay xeebta Jaziira sanadkii 1989 oo lagu laayey Dad ka badan Afartan oo u dhashay Somaliland, ayaa farriin codsi ah u soo diray Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Maxkamadda sare ee Somaliland.

Warka 1-aadKorneylkan oo hadda ku nool Dalka Holland, ayaa sheegay inuu muddo 27 Sannadood ah ku jiro Xabsi ah inuu ku eedaysan yahay Xasuuqii Muwaadiniinta Somaliland loogu geystay Xeebta Jaziira, kuwaas oo Alle ha u naxariistee Saq-dhexe inta guryahooda lagala baxay lagu laayey Xeebta Jaziira.

Ninkan oo ah Kornayl Ibraahin Cali Barre (Canjeex) waxa uu sheegay inaanu waxba kaga jirin Xasuuqii Xeebta Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho loogu geystay Muwaadiniin u dhashay Somaliland Sannadkii 1989-kii, sidaa daraadeedna uu baaq u dirayo Laamaha Dawladda Somaliland ka kooban tahay isla-markaana dalbanayo in laga daw baxo, maaddaama buu yidhi aanaan waxba kaga jirin Xasuuqaa.

“27 sanadood baan xabsi ku jira, waxaan xabsi ugu jiran ma aqaanno, arrinta in caddaalada la keeno ayaan rabaa, haddii cidi wax ugu hayso layga jaahil saaro. Haddii kale cida aan u xidhnahay 27 sanadood ay qaadato dhibaatadda I soo gaadhay.”ayuu yidhi Canjeex oo u Waramayey Shabakadda Wararka ee Ramaasnews.com, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan baaq u jeedinaya guud ahaan Soomaaliweyn inta damiir bani’aadam leh, waxa kale oo aan si khaas ah ugu jeedinaya Xukuumadda Somaliland, hadday tahay Golaha sharci-dejinta, Golaha fulinta, Madaxweynaha iyo Maxkamadda sarre iyo shacbiga inta waxgaradka ah. Waxaan leeyahay Anigu 27 sanno ayaan xabsi ku jira, intaa waan hadlayay maalintii arrintaasi dhacday ilaa maanta waxaan lahaa hala iga jid baxo, anigu waxaan qabo ma jirto oo arrinta waan caddeeyay.”

Korneyl Canjeex oo sii hadlaya, ayaa sheegay in Siyaad Barre ka cadhooday Xasuuqii Jaziira, “Runta haddaan kuu sheego Siyaad Barre aad buu uga Xanaaqay (Xasuuqii Jaziira), Waayo? Anigu mar baan ka mid ahaa Raggii Habeenkaa loo yeedhay, isagoo xanaaqsan buu I su’aalay, Aniguna waxaan ku idhi wax shaqo ah oo aan ku leeyahay (Xasuuqii Xeebta Jaziira) ma jirto ayaan ku yidhi, markaas ayaa Aniga la ii soo beddelay Hargeysa oo boqokiiba 80 SNM haysato.”ayuu yidhi, waxaanu sii raaciyey, “Xasuuqii Jaziira waxa fuliyey Maslax Maxamed Siyaad.”

Korneyl Canjeex oo hadda ku nool Magaalada Hauge ee Dalka Holland, ayaa sheegay inuu Hay’adaha xuquuqal iinsaanka ee Amnesty Internatiol iyo Human Rights Watch u diray codsi ah inay galaan eedaymaha la xidhiidha inuu qayb ka qaatay Xasuuqii Jaziira, laakiin ay diideen, “Anigaa u diray Hay’adaha Xuquuqal iinsaanka ee Amnesty Internatiol iyo Human Rights Watch inay arrinkaa galaan, laakiin way iga dhaga-adeygeen oo way diideen.”

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews