berberatoday.com
“Saxaafadu Namay Weydiin Halka Aniga Iyo Wasiir Dr. Muuse Qaasim Nalaga Raacay, Haddii Duco Qabe Lagu Yidhina….” Mareeyihii Hore Ee Madbacada Qaranka
February 25, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maareeyihii hore ee Madbacadda qaranka Somaliland Cabdillaahi Maxamed Jaamac Caaray ayaa sheegay in haddii xukuumaddii KULMIYE Ducaqabe tidhi oo xilkii laga qaaday uu ku biirayo xisbiga Waddani. Caaray oo ka hadlayay aragtidiisa ku waajahan xilka qaadistiisa uu dhowaan madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga qaaday masuulkan hore, waxa uu ku dooday in cida meel loo dhiibayo iyo cida laga qaadayaba dan laga leeyahay.

mar

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdillaahi Maxamed Jaamac Caaray oo munaasibadii xilka uu ku wareejinayay ka jeediyay hadal uu ugu duur xulay Xukuumadda uu sanadaha badan la soo shaqeeyay, ka dib markii uu Xisbiga Kulmiye ka soo raacay albaabka maalmo ka hor doorashadii Madaxtooyadda Somaliland 2010, isaga oo ka mid ahaa Xisbigii UDUB. “Kelmad baan rabaa in aan idhaa oo ku saabsan marka qofka meel laga badelo su’aasha ugu horeysa ee la waydinayo waxa ay noqoneysaa war adeer xagee baa lagaa raacay, midbaa telefoon kuu soo diraya oo ku odhanaya war Cabdillaahi maxaad khaladay.

Qoladiina saxaafaduna anagii maydaan noo iman oo namaydaan waraysan oo namaydaan weydiin waxba iyo waar halkee baa la idinka raacay iyo maxaa la idinku badelay ilayn waxa aanu idin sheegnay baanu qabanaye, waxaad u tagteen wasiir laga badelay meel oo meel kale la geeyey dee wuxu ku yidhi waan faraxsanahay. Cadaani baad waydiiseen duulistii baa laga bedelay oo waxa laguu badelay warfaafinta ee sideed u aragtaa iyo wasiir Cukuse. Aniga iyo Digtoor Muuse Qaasim maad noo timaadeen? Markaa qoladiina saxaafadda waxaan idin leeyahay meesha uu warku ku jiro ka doona, qodobka kale ee meesha yaalaa marka aad su’aasha ka jawaabtid waxaa kale oo lagu odhaneyaa oo lagu waydiineyaa maxaad yeeli?

Judhaba mid baa kuu imaneya oo ku odhanaya dee tukaankii aad timirta ka iibsan jirtay haddii uu kaa iibin waayay ka ku xigaa kaa ibinaya, waa macnihii haddii uu Kulmiye ducaqabe ku yidhi, waa Wadannigaagii deg dega ahaa iska qabo weeyaan, ” ayuu yidhi waxaana uu ka sheekeeyay sheeko dheer. Isaga oo u araaranayay Xukuumadda oo uu u arkay inay ka maarantay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews