Xildhibaan Bashiir Tukale Oo Magacaabista Guddiga Ictiraaf Raadinta Ku Tilmaamay Saambuse Laga Adimay
February 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ayaa sheegay inay Xukuumaddani ku fashilantay siyaasadii arimaha dibadda, waxaanu sidoo kale ka hadlay Guddidii uu Madaxweynuhu u magacaabay aqoonsi raadinta Somaliland.
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Siyaasadii arimaha dibadda isbedel ayaa ku yimid, tan iyo markii ay Xukuumaddani taladda dalka la wareegtay, waxaana cad inay ku fashilantay oo waxay meesha ka saartay xidhiidhkii iyo macaamilkii ay Somaliland la lahayd Wadamada Caalamka”.