berberatoday.com
Kenya Oo Beenisey Hadal Kasoo Baxay Madaxweynaha Xamar
February 26, 2016 - Written by Berbera Today
xasan_kenya

Nairobi(Berberatoday.com)_Madaxweynaha Soomaaliya oo ubax dhigaya baroordiiqdii ciidanka Kenya loo sameeyey

Afhayeen u hadley ciidamada dalka Kenya ee loo yaqaan KDF ayaa Dafiray isla markaana beeniyey hadal ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud xilli uu warfidiyeenka ugu waramaayey magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Kenya looga diley weerarkii Ceel Cadde askar u dhexeysa 180-200 oo askeri, sababtaasna ay ahayd midda uu ugu tegey tacsida isla amrkaana uu la soo murugooday.

Kenya ayaan marna ka hadlin ciidanka looga diley weerarkii lagu qabsadey Taliskoodi Ceel Cadde bartamihii bishii Janaayo 2016.

David Obonyo ayaa warbaahinyta Kenya u sheegay, in khasaarihii al-Shabaab ay u geysteen aan marna la yareyn.

“…Weligey saxaafadda kalama aanu hadlin tirada dhimashada ciidankayaga, nafteyda waan ka joojiyey in aan la soo qaado. Qof walba ayeyna saameyneysaa…” ayuu yiri

Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa arinta sii fogeeyey oo yiri:

“…Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku jiraa kooxda al-Shabaab. Tirada uu sheegay waa wax ka baxsan ciidankii deganaa Ceel Cadde…”

Si kastaba waxaa warar lagu kalsoon yahay sheegeen in xerada Ceel Cadde ee gobolka gedo ay ku sugnaayeen 187 Askeri kuwaas oo ay ka soo badbaadeen 68 askeri oo keliya, waxaa muuqata in madaxweynuhu kashifey wax Dowladda Kenya ay dadkeeda ka qarineysey.

Hoos ka daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegaya cadadka isagu aaminsan yahay in looga diley Kenya daqiiqada 9:30.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews