berberatoday.com
Madaxweynaha Xamar Oo Markii U Horaysay Sheegay In Weerarkii Ceel-Cadde Uu Ahaa Mid Ay Ku Jabeen Ciidamad Kenya
February 26, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in tiro u dhexeysa 180 illaa 200-Askari oo Keenyan ah lagu Dilay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday 15-kii Bishii January ee 2016-ka, Saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Telefiishanka Somali Cable waydiiyey sida uu arko dareen Dadka Soomaaliyeed ka bixiyeen Sawirro laga qaaday isagoo ka qayb-galay Tacsi loo sameeyay Askartii Al-shabaab Kenya kaga dishay Ceel-cadde oo uu faroorsanayo, ayaa ku jawaabay, “In 180 ama ku dhawaad 200 oo Askari oo loo soo diray inay Somalia taageeraan oo maalin keliya la dilo maaha mid fudud,” ayuu Madaxweynaha Somalia ku yidhi wareysigan, Isagoo Hadalkiisa ku daray. “Askartan waxay ahaayeen kuwo loosoo diray in Nabadeynta Somalia ay ka Qayb-qaataan, iyadoo Qoysaskooda loo sheego in ay Geeriyoodeen iyagoo hawshaas ku jira, taasina ma ahan mid la fududeysan karo.”

Hadalkan oo taageero Siyaasadeed u noqon kara Al-shabaab oo Dagaal kula jirta Ciidammada AMISOM iyo kuwa Dawladda Soomaaliya, ayaa waxa ka hadashay Dawladda Kenya, waxayna sheegtay inaan mar keliya aanay laftoodu ka hadal dilka Askartooda loo geystay Ceel-cadde.

Afhayeenka Ciidanka Kenya ee KDF-ta, Col. David Obonyo oo la Hadlay Maanta Warbaahinta Dalka Kenya, ayaa sheegay in tirada Ciidamadii lagaga dilay Kenya Weerarkii Ceel-cadde ee uu sheegay Madaxweynaha Somalia ayna ahayn kuwo sax ah.

“Weli innagu kama hadlin tirada khasaaraha Ciidankeenna loogu geystay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Saldhigga Ciidamadeennu ku sugnaayeen ee Ceel-cadde, waayo cidna ma ogaan karto khasaaraha dhabta ah ee Weerarkaas ka dashay, Dhibaatooyin ay Geysteen kooxo kalena Aniguba ma sheegi karo,” ayuu yidhi, Afhayeenka Ciidanka Kenya, waxaanu intaa ku daray, “Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha Somalia uu u Hadlayo Ururka Al-shabaab. Tiradan uu Xasan Sheekh Sheegayna maaha kuwo si sax ah loo soo xigtay.”

Halkan Hoose ka Daawo Wareysiga Xasan Sheekh Maxamuud

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews