Maxkamadda Oo Maanta Xukuumadda Ka Sugaysa In La Horkeeno Salaadiintii Iyo Dadkii Loo Qabtay Weerarkii Diiwaangelinta
February 26, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Geeska)-Maanta waxa ku eeg toddoba cisho oo rumaan ah oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex u ogolaatay inay xukuumadu ku soo gunaanado baadhista kiiska salaadiinta iyo odayaasha kale ee loo haysto weerarkii deegaanka Sabo-wanaag ee ay diiwaangelintu ka socotay.

Ilo xogogaala ayaa Berberatoday.com u sheegay in maxkamadu maanta ka sugayso hay’adaha ammaanka Somaliland inay odayaasha iyo baadhistooda oo buuxda ku horkeenaan maxkamadda, maadaama oo ay toddobadii maalmood ee rumaanka ahaa maanta ku eegyihiin.