berberatoday.com
Hurdada Ka Badan 8 Saac Ama Ka Yar 6 Saac Waxa Ay Dishaa Xususta Iyo Awoodda Go aan Qadaasho Ee Maskaxda, Waxa Aanay Kordhisaa Khatarta Faaligga
February 27, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in hurdada 8 saac ka badan maalin kasta ay kordhiso khatarta ah in qofka uu ku dhaco Faalig. Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa xaqiijinaysa in hurdada u dhexeysa 7 illaa 8 saacadood ay qofka ka ilaaliso in uu ku dhaco Faalig, halka hurdada ka badan 8 saacadood ay boqolkiiba boqol iyo afartan iyo lix (146%) kordhiso khatarta ah in qofka uu Faalig ku dhufto, halka hurdada 6 saac ka yarna ay iyaduna boqolkiiba 22 kordhiso khatartaas.

198

Khubarada samaysay cilmibaadhistan oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee New York ayaa sheegaya in Faaligga oo ku yimaadda dhiig maskaxda ku furmay, ama dhiigga oo maskaxda gaadhi waayaa uu yahay sababta saddexaad ee ugu badan dhimashada dadka dunida, waxaana ka horreeya Wadne xanuunka oo ah sababta koowaad ee dunida loogu dhinto iyo kansarka oo Kaalinta labaad ku jira. Waxa kale oo Faaligga keena sigaar cabbista, miisaanka oo aad u bata iyo jimicsi la’aanta jidhka.

Cilmibaadhis hore ay u samaysay jaamacadda Warwick ee dalka Ingiriiska ayaa iyaduna daahfurtay in qofka oo seexdda maalin kasta in ka yar 6 saac ama ka badan 8 saac ay ku keento xusuusta daciifta iyo mushkilado dhinaca awoodda go’aan qaadashada.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews