berberatoday.com
Baarlamaanka Galmudug Oo Dagaal Gacanta Isula Tagay Kulan Ay Maanta Yeesheen Iyo Sababta Keentay Dagaalka
February 28, 2016 - Written by Berbera Today

Cadaado(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta Ku Meelgaadhka ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaweyd kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi lagu kala kacay kadib markii xarunta uu ka dhacay daagaal Gacanta Laysula Tagay.
images

Kulanka Baarlamaanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir, waxaana ajnadaha kulanka uu ahaa aqrinta xeer hor yaalay Baarlamaanka Mamaulkaasi, hasa ahaatee xaalada xarunta Baarlamaanka ayaa mar qura isbadal ku yimid.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo diyaarinayay Mooshin ay ku dalbanyeen in Baarlamaanka ay hor yimaadaan Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaasi oo wax qabad la’aan lagu eedeeyay, waxaana mooshinkaasi ka dhashay is fahmi waa Xildhibaandaa dhaxdooda ah.

Mooshinkan ay saxiixeen Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka hor yimid Qaar kamid ah Xildhibaanada oo magacyadooda ku qornaayeen Warqada mooshinka kuwaa oo sheegay in laga been abuuray magacooda iyo saxiixooda.

Labo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay gacanta isula tageen ayna halkaasi ku dagaalameen, kulanka ayaa mar qudha isku badalay foodo iyo buuq.

Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa iclaamiyay in uu kulanka xiran yahay kadiib markii ay xaalada faraha ka baxday uuna kulanka noqday mid isku badalay Foodo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ku kala dareeray xaruntii ay ku shirsanaayeen, waxaana hada kulan gaar ah leh Gudoonka sare ee Baarlamaanka Galmudug oo ka arinsanaya rabshadan maanta dhacday iyo mooshinka la wado.

 

 

http://kalsantv24.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews