|
berberatoday.com
Faro-weyne: Qaylo-dhaan Kasoo Yeedhay Deegaamo Abaartu Marayso Marxaladii Ugu Adkayd
February 28, 2016 - Written by Berbera TodayFaro-weyne: Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Deegaamo Abaartu marayso Marxaladii ugu adkayd “Xoolihii way sii dhamaanayaan Dadkuna halisbuu jiraa iminka.” “Booyad biyo ah ayaa wax gurmad ah dawlada naga soo gaadhay” Odayaasha Deegaanka Dacawaley Musawirka duruufo qalafsan oo ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan Deegaamada hoos yimaada Degmada Faro-weyne..Warbixin: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) Faro-weyne(Berberatoday.com)-Degmada faro-weyne waa degmo balaadhan oo xukunta dhul baaxad leh. Deegaamada hoos yimaada waxa kamida Hara-cadaaadley, Dacarta, Maraaga, Cadaroosh, Magaalo-xoosh, Sayla galbeed, Dacawaley iyo deegaamo kale oo badan, kuwaasoo dhamaantood ay wakhtigan ka taagantahay Abaar aad u qallafsan oo meelaha qaar maraysa heerkii ugu adkaa. Guud ahaan Dhulku waa xaaluf oo Caws iyo Xaab toona ma dulsaarna Carrada Dusheeda, geeduhuna waxaad moodaa inay qalalleen oo waa qoryo tag-taagan. Inta badan way adagtahay inaad Xoolo meel daaqaya aragto ama Indhahaagu qabtaan markaad dhex marayso dhulkaas. Waxa dhici karta inaad meel-meel ku aragto Neefaf Geel ama Adhi ah oo caato badani ka muuqato oo beer ku xeraysan ama guri ku dul xidhan. Lo’ iyada hadalkeedaba daa. Deegaamo aad ugu wanaagsan wax soosaarka Beeraha, kuna yaalaan Beer-qodaal tiro badan oo ay ka baxaan Raashinka iyo Khudrada noocyadeedu, ayaa waxa la moodaa inaanu toban sannadood Dalag ka soo bixin Buska iyo qalaylka ka muuqda markaad aragto. sida Deegaanka Abu-riin oo uu ku yaallo mashruucii horumarinta Beeraha ee Gobolka Waqooyi-galbeed. Inkastoo Deegaamada qaarkood dhawaan la gaadhsiiyey waxoogaa taakulooyin ah oo kooban, waxa jira deegaamo aan wali dawlad iyo rayid toona cid gurmad u fidisay jirin oo ay xoollihii baxeen, dadkuna iminka halis daaqayo, kuwaasoo ah Deegaamo xoolo dhaqato ah. Bulshada ku dhaqan tuuladan Dacawalay iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay inaanay wax kaalmo ah ka helin Dawlad iyo cid kale toona, xataa intaanay Abaartu dhicin. “ Deegaankan dacawaley waxaad moodaa inaanu Somaliland ka tirsanayn hadday abaari jirto iyo haddii kaleba. Wax dawlad iyo meel kale toona ka soo gaadhay ma jiro, cid war noo haysaana ma jirtp” sidaas waxa yidhi Yaasiin Xaaji Muuse Cabdile oo kamid ah Odayaasha Tuulada Dacawaley. Yaasiin Xaaji Muuse ayaa isagoo hadalkiisa sii wata ka waramay waxyeelada abaarta “abaar xun oo dhan walba saameysay ayaa na haysa, Dadka meeshan joogaa Lug kaneeco ayey ku taaganyihiin. Abaartu Itimaalbay gaadhay. Xagii biyaha ayey naga haysaa oo noogu daran. Xaggii cuntada ayey naga haysaa, xagii Beeraha iyo xagii xoolahaba, hadda waa khalaas halkan xaaladaanu ku jirnaa “ayuu hadalkiisa ku daray Yaasiin. Hal Iskuul oo ka kooban laba Fasal oo ilaa heerka saddexaad ee Waxbarashada hoose lagu dhigto, ayaa ka dhisan Tuulada Dacawaley. Malaha xarun Caafimaad, goobo lagu barto Culuumta Diinta, Rug Boolis iyo adeegyo kale toona, hase ahaatee dhamaan baahiyahaasi maaha kuwo ay iminka helidooda maanka ku hayaan Bulshada halkaas ku dhaqani. Maxaa yeellay? waxa halis ku jirta noloshii caadiga ahayd ee Dadka, duunyo in loo werweraana way dhamaatay, sida uu sheegay Axmedyaasiin oo kamid ah Waxgaradka Deegaankan. “ Dadkii halisbuu ku jiraa, xoollihiina way sii dabar-go’ayaan” ayuu yidhi Axmed Yaasiin. “tobanka Maalmood ee soo socda haddaan gurmad lala soo gaadhin deegaankan wixii ka dambeeya mooji si uu xaalku noqon doono, waayo waxa jira dad aan saaka xoolo u foofin oo iyagii iyo xoolihiiba isku dul xeraysanyihiin oo dheriga wada sugaya. Dad iyo xooloba dheri ku nool ayaanu nahay.” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay “ wax gurmad ah Booyad Biyo ah ayaa naga soo gaadhay dawladda oo mar naloo keenay , waxaasina wax wax ka taraya maaha shan booyadood ayaan waxba ka tarayn.” Cabdi Cali-talyaani wuxuu meherad yar ku haystaa tuulada, waa 50 jir dhalay sagaal Carruur ah, waxaanu kamid yahay dadka Xoolo dhaqatada ah ee deegaanka ku nool, isagoo ka waramaya saameynta ay abaartu ku yeellatay deegaanka, waxa uu sheegay “ Adhigu hadduu tirada iyo badhka ahaa waxa ka sii nool 70 ilaa 60 neef, meel walba bakhtibaa yaal. Todobaad walba waxaan u kariyaa xoolaha shan gabdadood oo Galay ah xaaluf darteed.raashinkii dadku cunayeyna hadalkiisaba daa”. Cabdi Cali, wuxuu intaas ku daray “ markaa Dadka iyo Xooluhuba waa dheri ku nool. Raashinbaa loo kariyaa adhiga, raashinkii loo karinayey xoolahana iminka waaba la waayey gaajuu u dhimanayaa adhigu. “ – “ Caleenta waxaanu u doonanaa meel kala baydh ka shishaysa, haddii lays yidhaahdo doonta Gaadhigu wuxuu ku imanayaa laba milyan iyo shan boqol oo shillin (2500,000.000shls), lacagtaasna cid haysataa ma jirto oo xoolihii saylad lama geyn karo oo waa caato, iib ma gelayaan”. Maamulka Degmada ayaa ka gaabiyey xogogaal u noqoshada iyo la socodka xaaladaha bulshada deegaankan degen,sida ay sheegeen waxgaradka deegaanka oo intaasi ku daray inaanu Guddoomiyaha Degmadu waligii cag soo dhigin deegaanka tan iyo markii la magacaabay, taasna ay u arkaan mid uu ka badheedhay. Dhanka kale, Deegaamada Dacarta, Magaalo-xoosh, Cadaroosh iyo Sayla Galbeed oo aanu socod ku marnay, ayaa waxa bulshooyinka ku dhaqani sheegeen inay mashaqada Abaarta darteed dad iyo xool beerka dhulka lagu hayo. Guddida Abaaraha Bulshooyinka ku dhaqan Deegaamadan faro-weyne ayaa dhamaantood si isku mid xukuumadda uga codsaday inay Gurmad u fidiso, isla markaana la soo gaadho Biyo iyo cunto deg deg ah, iyagoo dhanka kale dalbaday inay Hay’addaha caafimaadku daawooyinka nafaqo-darada la soo gaadhaan, si carruurta, dumarka Uurka leh iyo guud ahaan dadka jilicsan loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bishan Febraayo horaanteedii magacaabay guddi heer qaran ah oo ka shaqeeya gurmadka Abaaraha, kuwaasoo ay taakulo iyo waxtar ka sugayaan Bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolada dalka.
Wariye: Saleeban Cabdi Cali Email: curad1986@hotmail.com
COMMENTS
|
||||
|