Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Oo Si Dayacaad Ah Duleedka Hargeysa Ugu Daadiyay Sharaab Wakhtigiisii Dhacay –
February 28, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland ee dibadda ka soo dejisa sharaabka la cabo ee qasacadaysan ayaa duleedka bari ee magaalada Hargeysa ku daadiyay sharaab wakhtigiisu dhacay oo aad u tiro badan.
Ganacsatadan ayaa sharaabka ku daadiyay duleedka xabaalaha Naasahablood, iyagoo si dayacan u daadiyay sharaabkaas oo kartoomo ku xidhan, waxaana ku qamaamay carruur tiro badan oo aan fahansanayn dhibaatada uu leeyahay sharaabka wakhtigiisu dhacay oo la cabaa.