berberatoday.com
Xildhibaan Reer Sool Ah Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeeddhay Xildh. Cali Gabiley
February 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Ismaaciil Saleban Yuusuf oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, kana soo jeeda gobalka Sool, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Cali Gabiley oo ay ka cadhoodeen bulshada reer Sool.

12769427_1288314421185315_493910244_n

Xildhibaan Ismaaciil, ayaa qoraal uu xalay warbaahinta soo gaadhsiiyay wuxuu u dhignaa sidan “Aniga oo ah mudane Ismaaciil Saleban yuusuf ahna mudane ka tirsan golaha guurtida waxaan jecelahay in aan kaga jawaabo maqaalkan hadal kasoo yeedhay xildhibaan Cali Gabilay oo ka tirsan golaha wakiiladda. Hadaba anigoo tixraacaya hadaladii aflagaadada ahaa ee uu xildhibaan Cali ka yidhi xafladdii xilwareejinta ee gudoomiyihii hore ee Gobolka Gebilay. Waxaa naga yaabiyay  aflagaadadii qaawanayd ee uu Cali kula dul-ku fay Gobolka Sool, markaa Cali hadalkiisa looma qaadan karo hadal nin mas’uul ah oo baarlamaan ku jiraa ku hadlo.

Cali miyuu iloobay markii uu shalay u sharaxnaa baarlamaanka ee uu Hargaysa sabbaynaayay isagoo cod urur-sanaaya oo waliba baryootamaaya, ee uu noogu yimid istaanka Bariga ee Hotel Yaasmiin u dhow isagoo leh ilmaadeerayaalow idinkaa dad iigu xigee kaalaya oo codka iigu rida, oo ay markhaati ma doonto tahay oo aan anigu goob jog ka ahaa goobtaa, markaa miyay ka qabataa dadkii reer Sool ee uu codka kaga urursaday Hargaysa in uu ugu abaal gudo cay iyo aflagaado, sow markaa Cali maaha nin abaallaawe ah.

 Cali u jeedadiisu waxay ahayd in uu cayda Sool shacabka Gebilay cod kaga kasbado doorashada soo socota,mana aha hadalkiisu lexejeclo uu ka qabo Gebilay ee waa Aflaagado iyo nacayb uu muujiyey gobolka Sool, Cali waxaa meesha mariyay uun malaa magaca Gebilay ee uu sito ayuu mooday in uu Gebilay dadka ka xigo. Hadalka xildhibaanku Kama duwana dhidar onkod kiciyay, waayo Gabilay dadkii u hadli lahaa haddii wax laga sheego way  joogaan.

Aniguna kolay Gebilay iyo Awdaltoona wax ka sheegi mayo oo midna codkooda  Cali kuma fadhiyo. Ee wuxuu ku fadhiyaa cod ururis ah,

dadka reer Gebilayna waa dad soo  jeeda oo maaha dad cod lagaga raadsan karo cayda Gobolka Sool, Gebilayna uma baahna amaan ee waxay u baahan tahay  wax qabad. Waana mid uu caado u leeyahay markuu doorasho doonayo in uu dadka amaano, marka la doortana uu dadkii doortay caayo.

Hadaba waxaan leeyahay Cali  waxaa tahay lugtii faraska raacday baa tahay ee luunku gowracaye allow yaa dantaa luud yidhaa loox yaraad tahaye.

Jawaabna waxaa ugu filan haduu wax ku qaadanayo hadalkii waafiga ahaa ee uu isla goobtii xilwareejinta ugu jawaabay Wasiir-ku-xigeenka gobolada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha Gudaha oo ah nin

aad u indheer-garad ah aqoonyahana ah.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews