berberatoday.com
Xoggo Laga Helay Qaabkii Ay U Dhaceen Qaraxyadii Habeen Hore Ee Muqdisho
February 28, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Faahfaahin ka soo abxaysa weerarki habeen hore dhacay magaalada Muqdisho ee Somaliya ee  lala beegsaday Hotel SYL ayaa sheegaysa in weerarku ahaa kii ugu khatarsanaa ee noociisa ah. Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarka.

kkkkkkkkkkkk

Wararku waxay sheegayaan in qorshaha al-Shabaab ahaa in ay qabsadaan Hotel SYL oo ay deganaayeen Diblomasiiyin, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliya. Hotelka ayaa iska leh meel dadka lagu baadho oo ay ilaaliyaan ciidanka sirdoonka Somaliya.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qaraxa kowaad uu ahaa mid aad u culus, waxaana uu sheegay inay Al-Shabaab  doonayeen in uu dumo derbiga weyn ee Hotelka si ay gudaha ugu galaan. Qaraxaas waxa uu dimiyey guryihii laamiga saarnaa, Waxaana ka mid ahaa dadkii ku geeriyoodey laba ka mid ah ciidankii sirdoonka Somaliya  ee ku sugnaa Isbaarada kadib waxaa xigey afar nin oo kamid ah Al-Shabaab oo sida uu wasiirku sheegay la filayo in ay ka soo degeen gaadhiga labaad ee qaraxu ka dhacay ee la dhigey meelaan Hotelka ka fogeyn, kadibna ay isku dayeen in ay Hotelka  weeraraan, waxaanu wasiirka Somaliya sheegay inay fashiliyeen qorshahaas.

Qaraxa gaadhiga kowaad, ayuu sheegay Wasiirka Amnigu in uu ahaa mid aad u culus oo ka weyn qaraxii Hotel al-jazeera loo adeegsadey oo gaadhaya 150kg, kaas oo lagu soo raray gaadhi nooca xamuulka ah, Qaraxa habeen hore  ka dhacay agargaarka hotel SYL ayuu sheegay in laamaha amniga dawladooda iyo khubarada ajaanibta ah ee la shaqeysaa ay sheegayaan in uu gaadhayey 200kg.

Ilaa hadda tiro rasmi ah ma soo bixin oo ku saabsan dadka ku geeriyooday, waxaa Cisbitaalada la geeyey tobonaan qof oo qaba dhaawacyo kala geddisan, halka dad ka badan 20 qof ay ku geeriyoodeen sida ay sheegayaan dad indhahooda ku arkey. Waxaa ku dumey guryo aad u badan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews