“Dhakhaatiirtii Xannaanada Xoolaha Niyad-jab Baa Ku Dhacay Markii Marna Askari Loo Keenay, Marna Suxufi Loo Keenay Ee Wasiir Looga Dhigay, Waxanay U Arkeen Inaanay Jirin Wax Dan Ah Oo Xukuumaddu Xoolaha Ka Leedahay.”Dr Axmed Xaashi Odey
February 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com) Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr Axmed Xaashi Oday oo ah khabiir ku xeel dheer cilmiga caafimaadka xoolaha, ayaa dhaliil culus huwiyey qaabka uu madaxweyne Siilaanyo usoo xusho wasiirrada uu wasaaradda Xannaanada Xoolaha usoo magacaabayo tan iyo intii xukuumaddiisu talada qabatay.
Dr Axmed Xaashi Oday oo marti ku ahaa Barnaanimka Caafimaadka ee HCTV ka baxa, ayaa sheegay in xukuumaddu si weyn u hagratay wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo muhiimad gaar ah, isla-markaana ay iska indho tirtay ka fiirsashada ciddii ku haboonayn in loo xulo.