berberatoday.com
“ Dilalka Qorsheysan Ee Ciidamadu Waa Cadaalad Daro Ay Tirsanayaan”Xildhibaaan Cabdiraxmaan Xoog
February 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiraxmaan (Xoog) oo kamida Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland Kana tirsan xildhibaanada Mucaaridka ee xisbiga Waddani ayaa ka hadlay dilalka saraakiisha ciidamada Somaliland.

Xildhibaan Xoog waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay inta badan isku dilaan cadaalad daro,waxaana uu xildhibaanku ku dooday inay jirto Sinaansho la’aan lagu qaybiyey darajooyinka saraakiisha taasina ay sababtay dilalka saraakiisha ay u geystaan Askartoodu.

Xildhibaan oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu yidhi “Somaliland muddadii ay jirtay wax qudha ee ay ku naaloonaysay waxa ay ahayd nabadda, se muddooyinkii dambe waxa soo badanayey dilalka qorsheysan oo weliba ay ugu horreeyaan ciidamada, waxaana kaliya aan u aanaynayaa arrintaas in ay sabab u tahay cadaalad darro ay tirsanayaan ciidanku, waayo ciidamaddii la dilay oo dhan, marka ugu dambeysa ee naftu ka sii baxayaan waxa ay ku dhawaaqayeen ayaa la sheegayaa waar ciidanow cadaaladda ha la oggaado, marka dhibbaato ayaa haysata ciidamada, cadaalad darro ayaa haysata dhexdooda ah, cadaadis xooggan ayaa dusha ka haysta, darejooyinka nidaamka loo qeybiyey ayaa gebi ahaanba ah mid aan sax ahayn oo cadaalad darro ay ka tirsanayaan, midda kale qofka ciidanka ah marka derajo la siinaayo waa in la baraa akhlaaqiyaadka habboon ee ciidanka lagu maamulayo, waayo sarkaalka ciidan haystaa waa maamule, maamuluhuna waxa uu u baahan yahay in la baro ama uu wax ka yaqaano qaabka fiican, debacsan ee loola dhaqmo dadka”.

Waxaa soo noqnoqda dilalka saraakiisha ciidamada Somaliland gaar ahaan ciidanka milatariga oo aan ilaa imika la aqoonsan  sababta soo celcelisay, haseyeeshee madaxwayne Siilaanyo ayaa guddi dabagal ku sameysa arrimaha soo celceliya dilalka u magacaabay dabayaaqadii sanadkii hore.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews