berberatoday.com
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Kulan Qado Ah U Sameeyey Ubadkii Ay Ka Tageen Mujaahidiintii Dalka U Shahiiday (Sawirro)
February 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan qaddo sharaf ah hotel Ambassador ee Hargeysa ugu sameeyey qaar ka mid ah ubadkii ay dhalleen Alle ha u naxariistee mujaahidiintii dalka u soo halgamay ee ifka ka hoyday iyo mujaahidiin kale.

9b81eb2e-2e44-4979-a07b-5593a1334215

Waxaana kulankan ka soo qeyb-galay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan aw-Cali, Mujaahid Ayuub Tallaabo, Mujaahid Maxamed Cilmi Samatar, Mujaahid Maxamed Cabdi Ismaaciil, Mujaahid Cabdi Ismaaciil Duse, Mujaahid Cali Xuseen Diiriye, Mujaahd Oote Biixi ,Dr.Ibraahim Yuusuf Warsame, Maxamed Cabdi Ismaaciil iyo mujaahidiin kale.

Kulankan oo caruurta guddoomiyahu u sameeyey qado sharafta ay ka mid ahaayeen caruurtii uu dhalay Mujaahid Axmed Maxamed Halac oo kala ah Xasan, Xuseen iyo Faysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), Cabdirisaaq Ibraahim Koodbuur,  Inna Mujaahid Tallaabo, Inna Mujaahid Quulle, ayaa waxa ugu horreyn kulankaas ka hadlay madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-Cali, waxaana uu guddoomiye Cirro uga mahadceliyey munaasibaddan qado sharafta ah ee uu ku maamuusay dhallaankii ay ka tageen mujaahidiintii hoyday Alle ha u naxariistee, isaga oo carabka ku dhuftay in guddoomiye Cirro uu yahay nin ay lexlo jeclo badan ka qabaan isla mar ahaantaana ay aaminsan yihiin in uu daryeeli doono mujaahidiinta weli nool, arooriyahii sayda qaaday iyo ubadka agoonta ah ee ay ka tageenba.

Qaar ka mid ah dhallaanka iyo mujaahidiinta oo halkaas iyaguna ka hadlay, ayaa guddoomiye Cirro uga mahadceliyey kulankan qado sharafta ah ee uu u sameeyey, iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in guddoomiye Cirro uu soo xasuustay ubadkii iyo dhallaankii ay ka tageen mujaahidiintu.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxadweyn u tahay in uu qado sharaf u sameeyo qaar ka mid ah ubadka ay ifka kaga tageen mujaahidiintii dalkan u soo halgantay, waxaana uu sheegay guud ahaanba mujaahidiinta nool, ubadkii, arooriyahii ay ka tageenba ay mudan yihiin in la sharfo sida oo kalena la daryeelo kuwooda jilicda san ee u baahan taakuleynta iyo wax la la qabto.

391d1426-9252-4172-b261-b89674dbb0a803d073be-da83-4fe6-8a63-abba096da9960c0f45e5-a1cf-400a-8a15-5fe6b8abf380fa0304a5-4ebd-4d98-9e45-4b598bdc5bdfea45f6b3-4941-4d06-ad09-b5c84927c59a5087ebaa-45b2-4d32-9fed-c6dcf6c0a41a12f1df5a-516c-4ebe-bfd5-68aacfed2a4dd6c89161-826c-40ad-ab78-e04ade50dffba93f95c8-011b-4915-b102-62df58d64b7fdc6e9cd7-3b14-4c94-939f-2540bc87b6fb

e768d4c5-1962-4208-ba91-d309a447b21e5087ebaa-45b2-4d32-9fed-c6dcf6c0a41ae768d4c5-1962-4208-ba91-d309a447b21e

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews