berberatoday.com
Wasiirka Waxbarashada Oo Furay Kulan Lagu Badalayay Man-Hajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose Oo Ay Maal-Galisay Haay’adda AET(Sawirr).
February 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa Maanta Furay Kulan Lagu Soo bandhigayay Man-hajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose Dhexe oo la badalay,kaas oo ay Maal-galisay sidii looga Gudbi lahaa Man-hajkii Hore Haay’adda African Education Trust Oo waxbarashadda ka shaqaysa.

DSC05655.JPG

Man-hajka La badalay ee la doonayo in sanadka Danbe lagu bilaabo sanad dugsiyeedka ayaa waxa uu ku qoran yahay af Somali iyo Ingiriis,taas oo kulan socon doono laba cisho dibna loogu eegayo Oo laga soo qayb galiyay Khubaro saaka Loogu qabtay Magaalada Hragaysa.

Madax Mashriicadda Haay’adda AET Axmed Cabdilaahi Maxamed ayaa sheegay in wakhti badan uu

qaatay sidii loo badali lahaa man-hajkani si loo soo saaro arday isku mid ah oo Man-haj laga soo shaqeeyay oo Faa’ido badan ku fadhiya qaata waxaana uu yidhi.

 

“Runtii waxa aynu maanta soo afmeeraynaa hawl in muddo ah socotay,waxaanad maqlayseen saddexdii sanno ee u danbeeyay waxa dib u eegis lagu samaynayaa lana habaynayaa Man-hajka waxbarashada ee jamhuuriyada Somaliland,runtii waxax aas-aas u ah man-hajkan dugsiyada hoose dhexe is badalkan wayn ee socdayna waxa uu ka dhacayay dugsiyada asaasiga ah sida fasalka koowaad ilaa fasalka sideedaad ooh awl aad muhiim u ahi ka dhacday.

Axmed Cabdilaahi Maxamed Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”sidii man-hajkan loo qori lahaa waxa uu soo maray wakhti dheer aakhirkii waxa la qoray man-hajkii oo ku salaysan waxbarashada casriga ah ee aduunka laga dhigto,waxa aynu ka guurna wixii hore waxaana aynu u guurna waxa casriga ah ee dunida,maanta waxa halkan inoo yaala man-hajkii oo dhamaystiran hadana soo baxay,kaas oo ka kooban tobban maado.

Ujeedada ugu wayn ee aynu maanta u qabanay kulankani waxa uu daaran yahay sidii tobbankaas maad ee labadalay ardayda loofahan siin lahaa iyo sidii aynu u wada dooni lahayn ardayda isku mid ah marka aynu u dhigno man-hajka isku mid ah oo meel laga guuro iyo meel lagu dhamaado leh.

“man-hajkan aynu badalnay waxa uu daaran yahay sidii aynu u heli lahayn ardayga ay Somaliland u baahan tahay ee bulshadana wax taraya,waxaanu u badalnay man-hajka ingiriisi iyo af somali,waxaanan ku rajo waynahay inaanu u badalno af carabi,si aynu uga turjuno waxa uu ardaygu u baahan yahay,dugsigu luuqada uu doono wax haku dhigeen man-hajkan ayn u maanta hayno way wada isticmaali karayaan.sidaas ayuu yidhi Axmed Cabdilaahi Maxamed madaxa mashariicda Ee Haay’adda AET.

Agaasimaha Manaahijnta Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdilaahi ayaa isna dhankiisa sheegay in faa’ido badani man-hajka cusub ugu jirto ardayda fasalada koowaad ilaa ka sideedaad,waxaana uu badaka soo dhigay siday Haay’adda AET Xilka wayn iskaga saartay sidii man-hajka waxbarashada Somaliland u noqon lahaa mid taabo galay.

“Man-hajkani waxa uu soo maray wakhti badan shanti bilood ee u danbeeyay marxalada la dajinayay iyada oo lagu salaynayay man-hajkii hore ee waxbarashada,man-hajkani waxa uu kaga duwan yahay kii hore muhiimad badan ayaa la saaray iyada oo ardayga la doonayay in aqoontiisa lasoo kaabo,waxaana loo baahan yahay dugsiyada bareefadka ah ama dawligu in ay wada racaan man-hajkan loo dajiyay ee wax badan ka tari doona aqoonta ardayga,waxaana aynu ku dadaali doonaa sidii ay aqoonteena bulshada ugaga faa’idayn lahayn .

Xasan Anbasi Wakiilka Haay’adda African Education Trust oo isaguna halkan ka hadlay ayaa sheegay in Haay’addu ay juhdi iyo dadaal dheer galisay iyada oo adeegsanaysa khuburada daji manaahijta in ay ka soo dhalaasho sidii ay u hirgalin lahayd Man-haj Cusub Oo Waxbarashada Somaliland faa’ido badan u leh,midayna doona Waxbarashad dawliga ah iyo tan Bareefadka Ahba.

Gaba-Gabadii waxa kulankani Furay oo socon doona Muddo Laba Cisho ah wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane waxaana uu sheegay inuu ku farax sanyahay inuu maanta furo kulan loogu gogol xaadhayo sidii uu u badali lahaa man-hajii hore ee dugsiyada hoose dhexe oo ah halka ay ka bilaabmato waxbarashadu.

“waxaan Halkanka sheegayaa in sanadkan soo socda lagu  dhigi doonin dugsiyada waxbarashada man-hajkii hore laguna dhigi doono man-hajkan cusub,waxaana odhan lahaa waxa aynu gacateena ku samay sanay ayaa ka wanaagsan wax dad kale gacantooda inoogu soo sameyeen,wakhti badan ayaad galiseen oo waad u soo dhabar adaygeetn idinka oo u tudhaya ardaydiina iyo ubax bari ee u baahan in si wada jira ah loogu jeexo dhab ay maraan,markaas aad ayuu u wanaagsna waynu darsi doonaa oo dib u eegis ayaynu ku samayn doonaa markaas waa aynu u dhigi doonaa ardaydeena si ay u noqdaan qaar soo baxa dawli iyo bareefadba.

Haay’adda AET oo inta badan ka shaqaysa waxbarashada ayaa dhexda u xidhatay sidii ay u xaqiijin lahayd man-hajka cusub ee la doonayo in waxbarashada Somaliland lagu dabaqo,madaama oo ay wakhti badan galiyeen.

DSC05638.JPGDSC05645.JPGDSC05649(1).JPGDSC05651.JPGDSC05652.JPGDSC05654.JPGDSC05658.JPG

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews