berberatoday.com
Xafiiska Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Noqday Mid Ay Albaabadu U Xidhan Yihiin Iyo Dareenka Shacabka Gobolka+Gudoomiye Ramaax Oo Gobolka Saaxil Tamashle Ku Jooga
February 29, 2016 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa bilahan dambe la soo baxay dhaqan aan hore  looga baran kaasoo ah inuu gabi ahaanba ka maqnaado xaiiska mudo xidhiidh ah marka laga reebo, maalmaha sabtida oo uu uu habeenkii ka horeeyay ee jimcaha ahaa ku soo laabo magaalada, sidoo kalena uu  maalinta sabtida ah galinkeeda dambe ka amba baxo, una amba baxo dhinaca caasimada, iyo gobolka Saaxil oo uu ku socod badan yahay.

Dhaqanka noocan ah ayaa la kowsaday sanadkan cusub 2016, waxana mudadaas  labada  bilood ee ugu denbaysay hawl maalmaydkiisii shaqo ee xafiiskiisa Gobolku u hayay Bulshada Reer Awdal, uu noqday mid kala daadsan, caadona ay u noqotay in albaabada ay u xidhnaadaan.

Dareenka ugu way ee dadku ay ka siman yihiin ayaa ah inuu Badhasaab Ramaax ka wax qabad badnaan lahaa sida manta hadii uu salka xafiiska dhigi lahaa, balse ay safaradan badan ee aan micnaha badan samaynayni wiiqeen, masuuliyadii shaqo ee xafiiskaasi umada u hayay, oo maqnaashihiisa ay u labaysay, badhasaab ku xigeenkii gobolka ee la rabay in uu hawlaha kala wadooo isaguna meeshaba ka maqan, mudona ay ugu dambaysay in uu xafiiska ku sime ka sii noqdo.

Ma aha intan oo kaliya balse reer Awdal waxa ay ka biyo diidsan yihiin safarkan taxanaha ah ee aan ka baaqashada lahayn ee inuu  Badhasaabku ku kala gaalaa bixiyo Magaalooyinka Hargaysa iyo Barbara walaw aan la kala ogayn inuu safaradiisu yihiin kuwo damashlayn ah iyo kuwo  shaqo oo wax tar u leh gobolka.

Sidoo kale waxa ay dadwaynahu dhaliishan yihiin shaqada Wasaarada Arimaha Gudaha ee laga rabay in ay la xisaabtanyo badhasaabyada  oo meesha ka maqan, taasina ay dhalisay in ay dad badani Xukuumada kulmiye u arkaan mid aan la xisaabtankeedu wanaagsanayn marka la barbardhigo xukuumadihii Cigaal iyo Rayaale ee ka horeeyay.

Sikastaba ha ahaatee waxa  ay dadwaynahu isku raacsan yihiin in aanay ku cusbayn badhasaab xafiiskiisa ka maqanaada inta badan, balse waxa ay walaac ka qabaan in Badhasaab Ramaax oo ah badhasaab mudo kooban gobolka joogay wax badan oo la taaban karana qabtay in uu noqdo mid cagta saara wadadii ay dadku ku yaqaaneen Badhasaab Cabdoo Aayarkii ka horeeyay, ee masuuliyadii uu Awdal u hayay ka doorbidi jiray cabida Bunka Hoteelada caasimada, kaasi oo markii dambe lumiyay kalsoonidii dadka, xilkii loo igmadayna goor aan habeena ahayn, maalina ahayn iska casilay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews