berberatoday.com
Xisbiga Kulmiye Wuu Na Soo Juqo Juqeeyaa, Xisbiga Ucidna Noqon Maayo Xisbi Loo Sadqeeyo Xisbiga Kulmiye”Musharax Jamaal Cali Xuseen
February 29, 2016 - Written by Berbera Today

Jamaal Cali XuseenHargaysa(Berberatoday.com) Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafkii siyaasaddeed ee dhawaan soo kala dhex-galay isaga iyo guddoomiyaha xisbigaasi Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaana uu ku dhawaaqay in haddii madaxda xisbigaasi ay isku aragti iyo fikrad noqon waayaan la samayn doono shirweyne la iskula xisaabtamo isaga oo carabka ku dhuftay in aan qofna qof kale ka xigin xisbiga isla mar ahaantaana loo wada siman yahay.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sidan ku sheegay waraysi gaara oo uu dalka Kenada ku siiyey shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxaana ugu horeyn uu sida oo kale uu walaac xooggan ka muujiyey xaaladda guud ahaaneed ee dalka isaga oo carabka ku dhuftay in dalku uu maanta maraayo marxaladdii ugu darnayd.

“Siyaasadda Somaliland wakhti xaadirkan meel xaas xaasi ah ayey maraysaa, waad ogtihiin oo xisbiga Kulmiye waxa la soo doortay 2010kii, hadana waa kii ku darsaday laba sanno oo dambe oo imika lix sanno ayey talada dalka hayaan, sannad kalena waa u dhiman yahay, dalkii diiwaan-gelin ayuu ku jiraa, xagga kalena dalku waxa uu ku jiraa xaalad xagga dhaqaalaha ah oo aad u culus oo dadkii haysata, abaaro ba’an ayaa dalkii ka jira oo dadkii iyo xoolahiiba saameeyey, dadkeenu way dhibbaataysan yihiin, waxaana weliba taas ka sii horreeyey in dalkeena uu ka jiray sicir barar aad u xun oo dadkii ay noloshii ku sii adkaatay, xaaladda dhaqaalena ma wanaagsana saacaddan aynu ku jirno, xagga siyaasaddeed, xagga siyaasaddana dadku waxa ay diiradda saarayaan uun bal in dawladdu ay doorasho xalaal ah oo nabad-gelyo ku dhacda ay dalka ka samayso, dadka abaarahu haystaana ay ka samata bixiso, dawladahuna sannadahooda ugu dambeeya ma qaadaan tallaabooyin badan oo se tan waxa aad moodaa in ay ka muuqato dhiiranaan fara badan oo haday noqonayso hantiddii umadda oo la iibinaayo, qaarkood la xaraashayo, dadkiina ay aad u dhibbaataysan yihiin, dhaqaalahii ka soo baxayna aan la garanayn inta uu yahay oo xattaa haddii hantida la iibinaayo in dariiqii saxda ahaa loo maro ayey ahayd.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Murashaxa xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo sida oo kale wax laga weydiiyey khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeyey isaga iyo guddoomiyaha xisbigaas Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu yidhi:

“Horta aniga iyo Faysal wax dhibbaato ah oo naga dhaxeeya shakhsiyan ma jiro se hadalo warbaahinta la isu mariyey ayaa jiray, haddii la arko hadalo aan ku wanaagsanayn hannaanka xisbigana waxa ay noqonaysaa in dadku ay kala fikir noqdaan oo la isu jawaabo, meelaha qaarna Soomaalidu waxa ay tidhaahda carab iyo labaddiisa daan ayaa isqaniina oo haddii dadku meel wada joogaan, meeshana shaqo ka socoto waa la ismaagayaa, waana la isqabsanayaa, waxa muhiim ah uun in laga mideysan yahay in xisbigu uu guulaysto oo aan la carqaladeynin hawlahii xisbiga, xisbigu waxa uu doonayaa in uu guuleysto sannadkan, horena doorashooyin uu u soo galay ayuu dhacay, Somaliland oo dhammina sidaas ayey u eegaysaa oo fursaddoodii ugu dambeysay. dad badan ayaa xisbiga u soo dedaalay, dad badan ayaa xisbiga u soo dhintay oo hadh iyo habbeen u qeylinaayey, dad badan baa xoolo badan uu ka galay, dad badan baa muruq badan uu ka galay, dad badan ayaa doonaya bal in ay mar uun dalka isbedel ka sameeyaan, maanta xisbiga UCID in uu is jiid jiito maaha, xilligii, xilligii aan annagu dhexdayada isku mashquuli lahayn maaha, waxa la soo gaadhay wakhtigii aan annagu hoggaamin toosan la iman lahayn si uu xisbigu u guulaysto, hawlo waaweyn oo culculus ayaa noo yaala insha Allahna imika taas ayaanu jecel nahay in aanu culayska saarno.”.

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo la weydiiyey sida uu u arko dhawaaqii guddoomiyaha xisbiga Ucid eek u saabsanaa in qiimeyn lagu samaynaayo murashaxiinta xisbigaas, ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan.

“Arrinkaasi waa anig oo imika idhaahda isagana guddoomiyenimaddiisa ayaa laga fiirsanayaa, taasi wax shaqeynaya maaha nin meel kalitalisnimo ku haysta, xisbigu waxa uu lee yahay hoggaan, guddoomiye iyo murashax, murashaxiinta iyo hoggaanka xisbiguna waa ay kala soocan yihiin, aniguna waxa aan hoggaaminayaa murashaxiinta isaguna guddoomiyeyaasha, sidaas ayaana aanu heshiis ku galnay, sidaas ayaana xeerka xisbigu uu ku dhigan yahay, anigana gole dhaxe ayaa i ansaxiyey ee qof meesha imuu keenin, suuqana iskamaanan helin oo meeshu maaha maqaaxi e’ xisbi weeyaan, xisbigana in qof walba uu wixiisa u hoggaansanaado weeyaan, waad og tihiin oo kalitisyo ayaa dalka qabsada oo haddii ay dalka carqaladeeyaan inta laga tuuro dalka la qabsadaa.”.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxa kale oo uu soo bandhigay tallaabooyinka ula muuqda in ay ka xisbi ahaan kaga bixi karaan khilaafka soo kala dhex gala xisbiga Ucid

“Imika wakhtiba noo muu hadhin umaddiina waa ay na eegaysaa, haddii dhowrka billood ee soo socda uu xisbigu meel iskugu luggo duwan waayo oo uu hagaagi waayo oo dadkuna ay kala fikrad noqdaan, madaxda xisbigu aanay isku fikrad noqon oo aanay meel u wada jeedin oo meel u wada shaqeynayn, waxa ay keeni doonta in aanu xisbigii isagu yeedhno dhammaanba murashaxiintii xisbiga soo saaray ee codkooda uu ku soo baxay, dib loo qiimeeyo hoggaanka xisbiga murashaxiinta iyo cid walba oo miiska la isa soo saaro, xattaa guddoomiyaha macal aniga oo Jamaal ah, oo la yidhaahdo waar yaa xisbiga guul u keenay, yaa se carqaladeynaaya oo dhibbaataynaaya, marka ninna nin kama weyna markii haddii ay wax hagaagi waayaan waxa ay keenaysaa in la isku wada yimaado, shirweyne la sameeyo, golahii dhaxe la iskugu yeedho, qof walbana miisaanka ha la saaro anigana la yidhaahdo Jamaal muxuu xisbiga ku soo kordhiyey, guddoomiyaha la qiimeeyo, ku xigeenada la qiimeeyo, dadka xisbigana la qiimeeyo laakiin cidba xuurto ku haysanaysa noqon mayso, taasna waxa aanu samaynaynaa uun haddii ay hagaagi weydo, haddii uu hagaagi waayana wax uu ku hagaagayo ayaa la samaynayaa ileyn xisbiga annagu ma lihine dad ayaa nala lahee xisbigan dad badan ayaa u soo halgamay oo xattaa guryahoodii u soo xaraashay, hanti iyo maal badan ayaa dadka ka galay aniga iga galay, dadka kalena ka galay.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Murashax madaxweyne ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhanka kale xisbiga Kulmiye uu ku eedeeyey in faro-gelin xooggan ku hayo xisbiga Ucid isla mar ahaantaana ay doonayaan siddii xisbiga Ucid looggu sadqeyn lahaa xisbiga Kulmiey sida uu hadalka u dhigay.

“Xukuumadda Kulmiye far ayey aad nagula jirtay, mar walbana waa nala soo carqaladdeeyaa, waana nala soo juqo juqeeyaa, xisbiga Kulmiye wuu na soo juqo juqeeyaa, xisbiga Ucidna noqon maayo xisbi loo sadqeeyo xisbiga Kulmiye, in xisbiga Ucid la baabiiyo si xisbiga Kulmiye u guulaysto oo ah xisbi imika dhibbaatada dalka ku haya ah, waa ayaan darro weeyaan mana la aqbali karo mana oggalaanayo, cid kalena ka oggalaan mayno, khilaafkan la sheegayana waa warbaahinta uun mid ka socda, weli ma jirto inta shir la iskugu yimi la yidhi waxaas miiska la saaray ayaa la isku hayaa, khilaafkanba waa mid hawada ah uun, Faysalna laba qof oo bani Aadam ah ayaanu nahay oo khilaafka naga dhex dhaca macnaheedu maaha in dagaal naga dhaxeeyo oo fikrado ayaanu ku kala duwanaan karnaa oo waxa laga yaaba in kaliya lagu kala duwanaado sida wax loo wada wadaayey marka waxa aan lee yahay xisbiga Ucid waa uu isku luggo duwan doonaan, taageerayaasha xisbigana waxa aan lee yahay xisbiga ha ka tegina oo yaan la idin ka niyad jebinin, dagaal siyaasaddeed ayaana la innagu hayaa oo la doonayo in taageerayaasha lagu niyad jebiyo xisbiga Kulmiyena ka yeeli mayno in la innoo sadqeeyo, taagnaada oo diyaar ahaada, waana aynu ku dedaalaynaa siddii xisbigeenu u guulaysan lahaa dhammaanteen innaga oo isku wada duuban.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali

Ugu dambeyntiina murashaxa xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ka hadlay qaabka loo maarayn karo abaaraha isdaba jooga ah ee muddooyinkii dambe innagu soo noqnoqonaayey, isaga oo sida oo kalena safarkii goballada Galbeedka ee xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ku tilmaamay mid olole ah.

“Komishanka waan ku boggaadinayaa hawsha ay wadaan, siddii looggu dirtayna waa ay u wadaan, waana aan ku hambalyeynayaa dhammaan xubnaha komishanka ee dedaalay iyagu hawshooddii ayey qabsadaan, arrimaha aabarahana dawladda ayaa ku shaqo le’, waana ayaan darro in aynu sannad walba ka cabano abaar oo la yidhaahdo abaartii ayaa sannadkana joogta imika wakhti xaadirkan khudbaddii aan ka jeediyey dalka Kanada waxa ku jirtay in aan idhi dalka Kenada oo sheegay in sannad walba uu baraf dhaco, marka sannad walba miisaaniyadda ayey ku sii darsadaan barafka dhacaaya iyo siddii loogga gurman lahaaba iyo weliba siddii loo maarayn lahaaba, waana laga sii diyaar garoobaa sidaas ayaana innaga abaarahu innoo yihiin, maxaa innoo diiday in sannad walba aynu abaaraha ka si diyaar garowno oo lacago meel loo sii dhigo maaha in aynu sannad walba car cararno marka ay abaartu dhacdo, waar dalkeennii intaas oo sanno ayeynu jirno markaas ayaa weli la biyo la’ yahay, biyahu waa in ay muhiimadda 1aad noqdaan, arrintaas oo dhan waxa ka sii daran in xisbiyaddii qaarkood ay dadka gaajoonaya ee dhibbaatadu ay haysato ay dig dig iyo batar ula tagaan iyada oo aan la gaadhin wakhtigii olalaha.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews