berberatoday.com
Guddoomiyaha Jaaliyadda Turkiga Oo Beeniyay In Mr. Dhuxul Sweden U Tahriibay Iyo In Jamaal Caydiid Shir Ka Qayb Galay
March 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Turkiga Siciid Aadan Daahir, ayaa beeniyay in afhayeenkii hore ee madaxtooyada Mr. Axmed Saleban Dhuxul uu tahriib ku galay dalka Sweden iyo sidoo kale in guddoomiyaha hay’adda abaabul ka saaranka qaranka ee xilka laga qaaday Jamaal Caydiid uu ka qayb galay shirkii Somalida ee Turkiga.

Warsaxaafadeed uu guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Turkigu soo saaray ayaa wuxuu u dhignaa sidan “ Anigo ah gudomiyah jaaliyada Somaliland e dalka Turkigaa Siciid Aadan Daahir,

 waxan rabaa inaan ka hadlo laba arin oo ah laba nin oo masuul ah oo ay saxaafadda dalka qaar ay ka qoreen warar beena oo aanay waxba ka jirin sida afhayenki hore e madaxtoyada Axmed dhuxul oo ay ka sheegeen war an jirin o ah inuu Turkiga ka tahribay waxan leeyahay Axmed Maraykan buu tagay Canada ayu tagay haddu dhul doonayo inuu galo, kuwaas ayuu galay ee wuxuu uga soo noqday  xoriyadiisa iyo dal jacaylkisa.

Qodobka labaad, Jamaal caydiid Ibraahim oo ah masuul qaran in ay ku saxaafadda dalku ay qoren in uu ka qayb galay shirkii somaliweyn waxan cadaynayaa in an arintaa waxba ka jirin waxa kale o garan lahaya  halka ay ka waramayan miyaanay ahayn halkan anu joogno. Waxa iga waano ah in laga waantoobo arrimaha caynkaas ee bulshada khalkhal ku abuuraya.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews