berberatoday.com
“Marka Madaxweynuhu Imanayo Ama Tegayo in umusha dhakhtarka loola cararayo la yidhaahdo madaxweynihii baa imanayee halkan ma mari kartaan looma baahna.”
March 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa:(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si weyn u dhaliilay tirada xubnaha golaha wasiirrada ee madaxweyne Siilaanyo oo tan iyo intii ay talada qabatay kordhin uun ku hayso.
Eng. Maxamed Xaashi oo qaar kamid ah saxaafadda ugu waramay magaalada Hargeysa, ayaa xusay inay qaranka khasaare ku tahay tiro badnaanta xubnaha golaha wasiirrada oo lixdameeyo madaxa lasii gelayaa, waxana uu tilmaamay in kharashka mushaharkooda ku baxa meelo kale looga faa’iidayn kari lahaa.
Maxamed Xaashi waxa uu soo jeediyey in qaabayn dambe loogu noqdo tirada golaha wasiirrada, maadaama aanay qaranka wax faa’iido ahi ugu jirin,“inaynu khasaare ku jirno waxa u daliil dawladdeena aynu leenahay waa daciif oo lama ictiraafsana ayaa 57-wasiir, wasiiru-dawle iyo wasiir-ku-xigeen leh wax caqliga gala ma aha, waana khasaare ina haysta, waayo lacagta halkaas gelaysa waxa ay ahayd in umadda wax loogu qabto, Guddiyadan la saaray ee aan waxba soo saarayninna waa khasaare kale. Abaarona waa ina haystaan.”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.
Sidoo kale waxa uu si weyn u dhaliilay saamaynta ay shacabka caasimadda Hargeysa ku nool ku yeelato safarka iyo socdaalka madaxweynuhu ku baxayo iyo qaabka loo xaddido dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidkaba, waxana uu yidhi,
“marka madaxweynuhu imanayo ama tegayo inta gaadhi ee waaweyn ee la isdaba dhigo ee dariiqyada loo xidho ee Booliska dariiqa la taago marka uu dhaafona halkaas lagaga dareero waad aragteen, waad aragteen, waxana ay ahayd in madaxynuhu iska yimaaddo oo waxoogaa askar ah oo dhar cad ahina raacdo ayuun bay ahayd, laakiin in umusha dhakhtarka loola cararayo la yidhaahdo madaxweynihii baa imanayee halkan ma mari kartaan looma baahna.”
Hadalka uu Eng. Maxamed Xaashi ku dhaliilay habka loo agaasimo socdaallada madaxweynaha, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli uu dhawaan wasiirka cusub ee warfaafintu ka digay halista ammaan eek a dhalankarta dadka tirada badan ee socdaalkaas ku lammaan inta madaarka la joogo, waxana ay tani muujinaysaa baahida loo qabo in dib loo eego agaasinka socdaalladaas.
COMMENTS
|