Muuse Biixi Oo Kulmo Hoose Oo Uu Taageero Ugu Raadinayo Xisbiga Kulmiye La Yeeshay Siyaasiyiin Iyo Madax Dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobalka Saaxil
March 1, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu Maanta kulmo hoose oo uu kaga gaashamnaayo taageero yari xisbiga Kulmiye ka dareemay gobalka Saaxil la yeeshay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka gobalkaasi. Gudoomiye Muuse Biixi oo qorsheytay safar uu dhawaan ku tago gobalka Saaxil marka ay diwaan galintu ka bilaabmato gobalkaasi ayaa waxaa uu ka sii gaashamanayaa waji gabax iyo taagero lahaan uu ka baqi qabo in xisbiga Kulmiye ka soo waajahdo dadweynaha Gobalkaasi oo u muuqda qaar dhabarka u jeediyey xukuumada Madaxweyne Siilanyo iyo xukuumadiisa.