War Deg-deg Ah Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil Oo Ku Geeriyooday Hawl Gal Uu Ku Weeraray Dabley Buuraha Biyoolay Ku Jira
March 1, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil Gashanle C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr ayaa Dabalay Hubaysan ku Toogteen Tulada lagu Magacaabo Tuulo Dhibiijo oo ku Taal Bariga Magaalada Berbera gaar ahaan buurelayda Biyoolay kadib markii ay is Rasaasayn Dhex martay Ciidan uu Hogaaminaayaya Taliyaha Qaybta Gobolka Saaxil Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr iyo Malishiyaad aan wali la Aqoonsan Ciday yihiin Waxaa Kale oo dhawac soo Gaadhay Askari ka tirsan Ciidanka police oo lagu Magacaabo Maxamud Cabdi Xasan
Sida uu u sheegay Gudomiye ku xigeenka Gobolka Xaamud Cabdilaahi Xuseen oo uu Khadka tilifoonka kula Xidhiidhay Wariye Axmed Siciid Axmed lana socday taliyaha Geeriyooday ayaa sheeg in uu Geeriyood Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil Gashaanle C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr dhaawac culusna soo Gaadhaay Askari ka tirsan Police oo lagu magacaabo Maxamud Cabdi xasan Waxaa Xaga Magaalada Berbera Loo soo Qaaday Meydka Taliye Geeriyooda iyo dhaawaciiba waaa sida uu Warbaahinta uxaqiijiyay Gudomiye Kuxigeenka Gobolka Saaxil Xamud Xuseen Cabdillahi oo isagu haalkaas ku sugan Gob joogna ahaa markuu shiilkaas dhacay