Xukuumada Silaanyo Oo Gadoon Galisey Shacabka Gobolka Saaxil+Isgaadhsiinta Oo Hawada Laga Saarey+Dekadda Berbera Oo Albaabada Loo Xidhey
March 2, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xaalada Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa Ilaa 24 Sacadood ee ugu dambeeyey Xukumada Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ay ku soo Rogtey Xaalada Deg-dega,kadib markii maalintii shaley Dabley Hubeysani ay ku dishay Degaanka Biyooley ee Bariga Magaalada Berbera Taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Saaxil Marxuum Gashanle C/risaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr), waxaana Hawada ka baxay dhamaanba Adeega khadka Telephoonada ee ay Bixiyaan Shirkada Telesom iyo Somtel,sidoo kalena waxa gabi ahaanba joogsadey Adeegyada ay dadku lacaga iskugu diraa ee ZAAD iyo E DAHAB, waxaana isku xanibmey dadkii Dukaameysaneyey iyo Meheradihii Alaabada Iibinayey,kuwaasi oo marka hore lacagaha ay ku macaamilaan ay u badnayeen Adeegyada Casriga ah ee ZAAD iyo E DAHAB , kuwaas oo isku xanibey nolosha dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil.