Daryanka Rasaasta Oo Hadh-beesha Caawa Lagana Maqlayo Buuraleyda Deegaanka Gobolka Saaxil.
March 2, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Warar laga helaayo ilo wareedyo ku sugan deeganka saaxil ayaa sheegay in caawa ay hadh beeshay dhawaqa rasaasta ee kasoo yeedhaya deegaanka buuraleyda gobolka saaxil gaar ahaan buuraha ka sareeya Biyoolay oo la tuhunsan yahay inay dableydii taliyaha Khaarajisay kujirto.
Ma jiro war madaxbanaan oo ilaa iyo hadda laga helayo halkaa. Hase-yeeshee, xoggaha laga helayo deegaanadas ayaa sheegaya in Ciidamo badan ay xukuumaddu ku sii deysay meelo ay ku tuhunsan yihiin inay joogan dableyd aan hayntooda la aqoonsan ee shalay ku dishay deegaanka biyooley taliyiihii qaybta ee gobolka saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr). Lama hayo ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhacay halkaa iyo in gacanta lagusoo dhigay dablaydii hubeysnayd.