berberatoday.com
“Maamulka Iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil Maah Niman Madaxda Qaranka Shirqoola”Boqor Axmed Badmadow
March 2, 2016 - Written by Berbera Today

Madaxweynihii iyo Guurtidii Somalilandba haysta hadii aad burburinayso iyo hadii kaleba adiga ayey kuu taalaa. Haddaba madax-dhaqmeedka Habar-Awal ee Gobolka Saaxil Ma aha niman shirqool iyo duminta Qaranimada ka

Marka hore waxana tacsi u diryaa dhamaan qoysikii iyo qaraabadii uu ka baxay taliyihii Booliska Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Casayr.
Haddaba boqor cusmaan buurbodow wuxuu caadaystay in uu fidno ka dhex abuuro bulshadda walalaha ah.
Anigu waxaan xasuusinayaa in aan tacsi u dirayo Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Casayr halka uu isagu Dilkii Taliyayaashi lagu dilay qorilugid aanu tacsi u dirin ee uu “Mashxaraday”
Boqor Cusmaan maanta waxay ahayd in uu noqdo kii Qarannimadda Somaliland ku baxsan lahayd ee reerkood laabta u dhigan lahaaa ee muu ahayn kii dagaal iclaamin lahaa.
Shalay markaa Inamadayda lagu laayey qorilugid anigu boqor bedmadow waxaan ahaa kii qarannimada Somaliland ku badbaaday ee ay ku baxsatay ee Aastay Maydkii Inamadiisa
Sidaas darteed waxaan ku xasuusinayaa in Afduubkii Juujuule ee nabaradii aad u gaystay in uu u dhintay cidina waxba lagaa waydiin. Hadabaa adigaa Madaxweynihii iyo Guurtidii Somalilandba haysta hadii aad burburinayso iyo hadii kaleba adiga ayey kuu taalaa.
Haddaba madax-dhaqmeedka Habar-Awal ee Gobolka Saaxil Ma aha niman shirqool iyo duminta Qaranimada ka shaqeeyaa ee waa nimanka qaranimada Somaliland ku dhisantahay oo maal iyo moodba ku Bixiya dhismaha Dawladnimo iyo wada jirka bulshada Somaliland.
Imikana Madaxweynaha Qaranka ee aad isku haybta tihiin ee aad marwalba ceeb baadhasyo waa nimanka garab taagan hiil iyo hoona ay mar walba u garab taagan yihiin. Halka Cismaan(buurmadow) ahaan aad mar walba ku qaylin jirtay Madaxweynihii hore Maxamed Haji Ibrahim Cigaal ee aad odhan jirtay lacagta qaranka jamhuuriyada Somaliland waa lacag habarawal ha qaadanin. Anigu reer waxaasi ka weyn ayaanu nahay dawladnimadana dumin mayno, shirqoolka madaxda qarankuna milgahayaga maaha.
Hadabba cusmaanow hadii ay duminta qaranka iyo shirqoolku caadadaa tahay “waa caadadaaye, ceebtaa maaha”
Haddaba Beesha habarjecel waxaan leeyahay iska horkeenka iyo hadal deelqaafka ah ee boqor buurmadow ku hadalay ha dhagaysanina ee ilaaliyaa nabad iyo qaranimada Somaliland inankiinan aastaan. Diwaangalinta u yidhi qaadacana hadii aad qaadataan ogaada in uu madaxweyanaha ku ceebaysan yahay oo hayb ahaan idinka soo jeeda hadii ay taasi dhacdo.
Xukumadana waxaan leeyahay in ayna dadka isku dilin ee ay suluxa iyo isku soo dhawaynta beelaha walaal ah ka shaqayso. Waxaana looga baahan yahay in ay kale badbaadiso inta ayna waxba dhicin ee maah in ay marka wax dhacaan carcararto.
Waxaan kaga baxayaa hadalkayga hadii aan sheeg sheego inta nin igaga kaa maqan in ay fidnadu kordhayso laakiin waxaan eegaya Danta Qaranka Somaliland. Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee aynu ku dhaqano
Cusmaanow habarawalnimaduna waa mid la hadhsado oo qaranimada ilaalisa colaadna loogama sheekayn karo.
Wa bilaahi towfiiq.
Boqor Axmed Badmadow
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews