berberatoday.com
Shirkii Shaqaalaha Madaarka Ee Saaka Oo Shahaado Sharafyo Lagu Gudoonsiiyey Wasiir Cadaani, Lagu Soo Dhaweeyay Wasiir Cumar Yare Iyo Axmed Nuur Faahiye”
March 2, 2016 - Written by Berbera Today

wixii Wasiirka hore ka tegay ee uu dhisay, waxba ka badalimayno.” Wasiir Cumar Yare

“halkan waxaan isu taagay waxa weeye in aan sii nabadgalyeeyo Shaqaalahan quruxda badan ee halkan fadhiya.” Wasiir Cadaani

sha9

Hargaysa(Berberatoday.com )Shirkii Bilaha ahaa ee ay qabsan jireen Shaqaalae weyanaha Madaarka Cigaal International Airport iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Madaarku, ayaa saaka ka qabsoontay Hoolka dhoofayaasha ee Madaarkaas, Shirkan ayaa sidoo kale ahaa Munaasibad lagu sagootiyayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid, imikana ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta, Shirkani Waxa kale oo uu ahaa Munaasibad lagu soo dhaweynaayo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh Maxamed Faarax iyo Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaaradaasi Axmed Nuur Faahiye, ugu horayan waxaa halkaa ka hadlay oo iftiimiyey dulucda kulankan Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo yidhi “ kolay mar waloo Wasiirkeena hore la badalo waxaa caado inoo hayad in aynu sii sabootino, soona dhaweyno Wasiirka la inoo soo badalay, maanta waxa ay si kal iyo lab ah u sii sabootiyeynaa Wasiirkii aynu wada jeclayn, Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani), Waxa kale oo aynu soo dhaweynanaa Wasiirkeena Cusub Cumar Sh Maxamed Faarax.”

sha1 sha2

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyey Weedho mahad naqa oo uu ugu mahadnaqaayo Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulista iyo Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaas, kuna soo dhaweynaayo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista iyo Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaaradaasi, waxaanu yidhi:-“Runtii Wasiirkii hore Cadaani iyo Wasiir ku xigeenkii hore aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa mudadii aanu wada shaqaynay, tiim wanaagsan ayaanu ahayn oo isku duuban, Dadku hadaanay ka u hooseeya ilaa iyo ka u sareeya la isku duubnaan, laga midho dhalin mayo himiladii Qarankan, iyo Wasaaradani Xilkii ay Qarankan u haysay, aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa sidii fiicnayad ee ay tiimkayagan u hogaamiyeen mudadii koobnayad ee ay nala joogeen, Wasiirka Cusun iyo Wasiirudawlaha Cusubna waan soo dhaweynayaa.”

Wasiiru Dawalaha Cusub ee Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye ayaa isna halkaasi ka jeediyey hadlo u badanaa sida uu ugu kalasoon yahay labada Wasiir kii hore iyo kan ay wada socdaan xaga shaqada, waxana ka mid ahaa hadaladiisii:- “ inkasta oo xilka Qaranku meerto yahay oo hadba qof lagu tijaabiyo, hadana waxaan aad iyo aad u aaminsanahay in Wasiir Cadaani Xilkaa loo magcaabay si wanaagasan u gudandoono oo shiqsiyadiisa ayaan aqaanaa, Wasiirka Cusub ee Cumarna waa nin aanu saaxib nahay oo si wanaagsan ayaanu u wadashaqayndoonaa, Labada Wasiirba waa Niman aanu saaxib nahay.”

sha5 sha6 sha7

Wasiir Cadaani ayaa isaguna halkaa kala hadlay Shaqaale weynaha Madaarka oo sii Nabadgalyeeyay, talooyin Dardaaran ahna uga jeediyey Wasiirka Cusub Waxaanu yidhi oo ka mid ahaa hadalkiisii:-“halkan waxaan isu taagay waxa weeye in aan sii nabadgalyeeyo Shaqaalahan quruxda badan ee halkan fadhiya, Shaqsiyaad ayaa Jira aanan ilaabidoonin, waxa ka mid ah Taliye Saalax, waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud, iyo in Alaale intii ila shaqaynaysay,Wasiir hadafkaga koowaad waxa uu ahaa Nabadgalyada, Nabadagalyada, Wasiir Cumarna way laysheegoo waxa uu ahaa Gaashaanle Sare, markaa Nabadgalyada u Sharaximaayo.”
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Cumar Yare ayaa isaguna halkaasi Mahadnaq uga soo jeediyey Wasiirkii hore isga oo shegay in uu shaqada halkii uu kaga tegay ka sii qaadinoono oo aanu waxba ka badalayanin, sidoo kalena waxa uu halkaa shaqaalaha uga jeediyey wiidho Ilaalinta Shaqada ku taxaluqa iyo Amniga waxaana ka mid ahaa hadkiisa:- “waxaan u mahad naqayaa Allaha ina siiyey Nabadan ay ku noolahay dhawar iyo Labatanka Sano, cidna ka yeeli mayno cidna u daba fadhiisan mayno nabadgalyadaa aynu haysano maanta in ay wax yeesho, maanta Qoys ayeynu noqonay inta isu ehelka ah ee isku qoyska ahi waa inteena halkan kawada shaqaysa, anaguna odayaashii qoyskaas ayaanu nahay, in aanu ka war hayno ubadkayga waawaajib, wixii Wasiirka hore ka tegay ee uu dhisay, waxba ka badalimayno.”

Gabogabdii Munaasibadaas waxaa Shahaado Sharafyo lagu gudoosiiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani), oo ay Guddoonsiiyeen Maamulaha Madaarka iyo Agaasimaha NAASHA, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Naadiga Kubada Cagta ee Wasaarada Duulistu

sha3 sha8

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews