berberatoday.com
Xaalada Berbera Oo Kacsan Madax Dhaqameed Xabsiga Loo Taxaabay,Mudaharaado Ka Kala Dhacay Berbera Iyo Ceerigaabo Oo Iska Soo Horjeeda Iyo Isgaadhsiintii Gobolka Saaxil Oo Hawada Ka Maqan Ilaa Xalay
March 2, 2016 - Written by Berbera Today

12800223_909017872530370_3951491605720595354_nBerbera(Berberatoday.com)- Iyada oo maalnitii galinkii danbe toogasho ay kudileen dabley hubaysani Deegaanka Biyoolay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr) ayaa Waxa habeenkii xalay Xabsiga loo taxaabay Cuqaal, Saaladiin Iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Gobolka Saaxil iyo sidoo kale dadka oo uu kujiro Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Yuusuf Axmed Maxamed(Halac Dhegoole)dadkan la xidh xidhay ayaan ilaa hada la aqoonsan sababta xadhigooda ka danbaysa iyada oo aanay Xukumaduna wax wara kasoo saarin balse waxa loo malaynayaa in xadhigoodu la xidhiidho dhacdadaas lagu khaarajiyay Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil.

Waxaana kamida ah Salaadiinta Iyo cuqaala Xabsiga Loo Taxaabay.

 Suldaan Maxamud Maxamed Xandule Indhacase

Suldaan Cabdikariin Maxamed Fariid

Suldaan Sayid Jaamac Awxasn

Suldaan Shariif Batuun

Caaqil Cabdi Madoobe 

Caaqil Ina Cumar Ilaal

Caaqil Maxamed Kaahin

Caaqil Sidiiq Galiixe

Gudoomiyii Xisbiga Kulmiye  Halac Dhegoole

Sidoo kale waxa isla maanta ka dhacay magaalada Berbera mudaharaad mudo kooban socday oo ay dhigayaan shacabka reer Berbera iyaga oo kasoo horjeeda xadhiga lagula kacay Madax dhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Saaxil, waxa kaloo iyana ilaa habeenkii xalay hawada ka maqan isgaadhsiintii Gobolka Saaxil Guud ahaan oo hawada laga saaray wax xidhiidha oo dhinaca tilifoonada iyo baraha bulshada oo shaqaynayaana aanay jirin sida la sheegay looga saaray sababo amaan Awgeeda.

Wararka kale ee naga soo gaadhaya dhinaca magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in mudaharaad balaadhan oo ay dhigayaan qabiilka uu kasoo jeeda Taliyihii Dableydu ayaa kasocda magaalada Ceerigaabo waxaana wararka naga soo gadhayaa Ceerigaabo ay intaas ku darayaan in Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle Mahad shaqale ay weerar ku qaadeen dabley hubaysan oo kasoo jeeda Beesha Taliyaha shalay la Toogtay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr)balse waxa amaanka Taliye shaqale sugay oo gaadh adag ka haya Ciidamada Booliska Gobolka Sanaag iyo kuwa milatariga oo isgarab sanaya waxaanay dableyd weerarta damacsanaayeen inay aanay qabiil udilaan maadama oo uu Taliyaha qeybta Booliska Gobolka sanaag Gaashaanle Mahad Shaqale Kasoo Jeedo Beesha Gobolka Saaxil sidoo kale waxa iyana la sheegayaan in masuuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Saaxil ee ku kala sugan Gobolada bariga hanjabaado fariimo loogu diray iyada oo hanjabaadahaasna ay dirayaan dad kasoo jeeda Beesha Bariga Burco ee taliyaha La Khaarajiyay kasoo jeeday.

Dhinaca kale waxa magaalada Berbera ilaa shalay lagu soo daad guraynaayay Ciidamo aad utira badan oo la sheegay inay xaalada amaan ee Gobolka sugayaan waxaanad moodaa magaaladii Berbera xero milatari iyo xarun colaadeed sidoo kalena waxa aan haba yaratee jirin waxa shaqo ah oo kasocota Dekedi Berbera oo gabi ahaanba la joojiyay amaankeedana aad loo adkeeyay.

Waxa iyagana shalay ciidan xoogan lagu saaray dableydii taliye Marxuum cabdiorisaaq Yuusuf Maxamed(Caseyr) khaarajisay oo la sheegay inay ku jiraan buuraha agagaarka tuulada Biyoolay balse ilaa hada wax raad ah lagama hayo sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay dadka deegaankaas ku sugan, warar kaloo is khilafsan ayaa shegaya in Ciidamada lagu saaray dablaydaasi dad xoolo dhaqato ah tacshiirad ay ku fureen tacshiiradaas oo dad reer miyiya waxyeelo ugaysatay balse warkaas lama xaqiijin.

 

Wixii warar kasoo kordha xaalada guud ee Gobolka saaxil kala soco shabakaada wararka ee Berberatoday.com

 

 

Berberatoday.com/London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews