Gobolka Saaxil Xal buu u baahan yahay ee yaan laga raadin” Kordhin danbe iyo Dabo dhah si dib loo riixo Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka soo socda ” qalinkii A/ Fadhinle UK
March 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Tan iyo intii aynu dooranay ee diranay madaxweyne Siilaanyo waxaa soo ifbaxaayey oo tusbax furmay noqday qaraabo kiil iyo qabyaalad qaawan oo aan geedna loogu soo gaban waxaana maamulkii dalku gacanta u galay isxanbaar aan xirfad badan laheyn ,hase yeeshee xariifiin ku ah musuqa iyo boobka hantida ummadda, kuwaas oo ku shaqeeya nidaam silan oo ka reeban sinaan iyo cadaalad, waxay ku can baxeen kala qoqob iyo qabyaalad duluca furatay iyo kala qaybinta beelaha walaalaha ee wadanka wada dega. Waxay sadheeyeen oo suntii qabyaalada ku mudeen dhalinyaradii. Arintaasina waa ta keentay in curfigii iyo dhaqankii dawladnimo mugdi badani galo taas oo keentay iyana in maanta la kala irdhoobo oo gobolba gobol aanu u hiloobin goboladii darafyaduna ay ku shaa-shoobaan hab-dhaqanka kooxaysan ee xukuumada Siilaanyo iyaga oo weliba aaminsan gobolada darafyadu in degaanadooda ay ka jiraan dib u dhac baahsan oo dhinac walba ah.
Markaad dib u raacdid aafooyinkii iyo dhacdooyinka tabnaa ee dalka ka dhacay intii xukuumadani jirtay. Waxaa kuu cadaanaysa in xukumadan jirtaa ay ku caanbaxday qayd-xanbaarasho qaybyaaladeysan oo duluca furatay taa soo had iyo jeer isku khalada qaranimada iyo qoysnimada, arintani waxay keentay in hab-beeleedkii laga guuri lahaa lagu negaado oo xisbiyadiina dib ugu xasilaan habab qabyaaladaysan isla markaana la kala qoqobo goboladii iyo degmooyinkii dalka oo dhan, beelihiina goroda la isu geliyo oo mal-mal la isu wada mariyey, taasina ay keentay in maanta shicibkii rasaas isku furaan oo iska dilaan saraakiishii muhiimka ahaa ee lagu aaminay aminiga iyo nabadgelayadii dalka.
Waxaa iyana fashilaad qaawan iyo qaran jab ah in magaaladii Berbera oo ah ibtii habeysay halbowlayaasha dhaqaalaha JSL 80% in” special degree” lagu maamulo oo Babdoo laga dhigo, laga xanibo internetka lagana gooyo dhamaan isgaarsiintii. Waxaa maag iyo meel ka dhac qaawan ah in Salaadiin iyo cuqaal aan danbi gelin xabsiga loo taxaabo.Waxaa markhaati laga yahay oo hore Somaliland uga dhacday dilal foolxun oo la laayey Saraakiil badan laakiin aan Gobolna laydh laga jarin deerana deero hirdiyin iyada oo weliba markaa la hayey raadkii ragii dilalkaa geystay qaarkood sida dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay Qori lugud, Borama iyo Burco.Hadaba waxaa maanta soo ifbaxay oo cadaan ah in arintan ka dhacday Gobolka Saaxil hadii ay tahay Dhismaha Dekeda Ceelgarde iyo dilka Sarkaalba in la siyaasadeynaayo, lana xajiimeynaayo si dib la inoogu celiyo Colaado sokeeye, isweerar iyo isweeteyn ka dibna marka nabadgelyadu faraha ka baxdo Diiwangelinta dib loogu dhigo si Xukuumadana dib loogu kordhiyo mudo dambe oo ay ku sii nacasnimo xaadho hantida maguuraanka ah ee ummadda baahan kawa dhaxaysa.
Waxaan shacabka Somaliland u cadeynayaa in maanta Ceelalyadii shacabka reer Somaliland ku Cabi lahaa ay wada noqdeen Caamo, Cibaaro, Cadow isku dira iyo Xildhibaano boqran oo sanqadha Zaadka dhegaysta sidaa daraadeed Shacabka Somaliland aanu Ceelna uqodneyn Cidina umaqneyn.Waxaan xusuusinayaa Xukuumada Siilaanyo in Cadaalad daradaa baahsan, musuqa iyo caqli xumadaa ay ku can baxday ay wada yihiin waxyaabihii Somaliweyn kala didiyey ee kala irdheeyey ee murugada badan iyo utunta raagtay kala dhex dhigay sidaa daraadeed aan marna laga yeeleyn in Beelaha Walaalaha ee wada dega gololka Saaxil in ay dacar isku mariyo si ay kursiga ugu negaato oo hal-bowlayaasha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee ummadda Somaliland wixii ka hadhay ay sifeyaal bilaa sharci ah ugu wareejiso ma gefeyaasha caanka ah iyo shaqsiyaadka kooban ee ku mamay hantidii ummadda ka dhaxaysay.
Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta Anigu Daaha kama Rogin Dadkuna Wuu arkaayaa !!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London