berberatoday.com
Koofurta Sudan Oo Loo Oggolaaday Xubinimada Ururka Bariga Afrika Ee EAC. C
March 3, 2016 - Written by Berbera Today

Caruusha(Berberatoday.com)-Dalka Koonfurta Sudan ayaa maanta si rasmi ah loogu ogolaaday inay noqoto Waddanka lixaad ee Ururka ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika ee EAC, kaddib Shirkii Maanta uga furmay Magaalada Caruusha ee Wadddanka Tanzania.

AFRIKA

 

Go’aankaan, ayaa wuxuu kor u sii Qaadayaa Dhaqaalaha Suuqa Bulshada Bariga Afrika oo gaarsiinayo tirade shucuubta EAC ka faa’iideysanaya 162 Milyan oo Ruux; Sida lagu xusay Warbixin laga soo saaray Shirweynaha 17-aad ee Xubnaha ku mideysan ururka EAC.

Ururka EAC ayaa wuxuu shacabka waddamada xubnaha ka ah u ogolaanayaa in dal-ku-gal uu sii dalbado aan aan laga doonayn haddii uu doonayo inuu mid ka mid ah dalalkaan safar ku tago, sidoo kale waxaa ka dhexeeya heshiis ah in ganacsigu uu si canshuur la’aan ah uu isaga gubi karo dalalkooda. Waxaana ururkan horay xubno uga ahaa; Uganda, Tansaaniya, Kenya, Burundi iyo Rwanda, iyadoo Waddanka lixaad uu noqnayo dalka Koonfurta Sudan.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in dalka Koonfurta Sudan oo ay Colaado ka jiraan, laga doonayo inuu buuxiyo dhammaan shuruudaha ka mid noqoshada EAC, kuwaas oo ay ka mid yihiin; inay ixtiraamto mabaa’dida Dimuquraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, isla xisaabtan, hufnaan iyo cadaaladda bulshada.

Waxaa kaloo, Warbixinta laga soo saaray Shirka Caruusha lagu xusay in Waddan walba oo ururka ka mid ah looga baahan yahay inay ilaaliyaan qodobbo ay ka mid yihiin; Fursadaha shaqo oo loo sinnaado, sinnaanta jinsiga iyo sidoo kale in Xuquuqda Aadanaha uu dhowro, isagoo Waafajinaya Axdiga Midowga Afrika iyo kuwa kale ee Caalamiga ah.

 

Dalka Koonfurta Sudan ayaa dalbaday ka mid Noqoshada Ururka EAC ee ay ku Mideysan yihiin Dalalka Bariga Afrika, kaddib markii ay xorriyadda qaateen bishii July ee Sannadkii 2011-kii.

Isla Sanadkaas, ayay Xubnaha EAC waxay diideen codsi ay kaga mid noqonaysay Ururkan oo ay soo Gudbisay Xukuumadda Khartuum, iyagoo ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban Dimuqraadiyadda, Xorriyadda diimaha oo aan la ogoleyn iyo in ay ka jirto jinsi kala soocid aan xad lahayn.

Dhanka kale, Xukuumadda Juba oo dhowr jeer laga horjoogsaday inay xubnaha Ururka ka mid noqoto noqoto, kaddib markii la sheegay inaysan lahayd hay’ado dowladeed oo awood leh, ayaa sannadkan ugu dambeyn loo ogolaaday, xilli colaad sokeeye ay ka jirto dalkaas.

Waxaana ka mid noqoshada Waddanka Koonfurta Suudaan ee EAC ay kusoo beegmaysaa xilli hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch iyo Qaramada Midoobay ay ku eedeeyeen Xukuumadda Juba iyo Mucaaradka inay galeen dambiyo dagaal iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha ah.

Bishii lasoo dhaafay ee sannadkan ayay mas’uuliyiinta xukuumadda Juba waxay difaaceen Go’aankooda ka mid Noqoshada Ururka kulmiya Bulshada Dalalka Bariga Afrika ee EAC, iyagoo sheegay inay buuxiyeen Shuruudihii uu Ururku ku xiray ee ahaa; ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dimuqraadiyadda ayana buuxiyeen arrimahaas.

Ugu dambeyn, Shirka dalalka EAC ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Tanzania, Benjamin William Mkapa Waxaa loogu Magacaabay Dhex-dhexaadiyaha cusub ee Wada-hadallada u socda Xukuumadda iyo mucaaradka Dalka Burundi, Wuxuuna kala Wareegi doonaan xilka madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa xog-hayaha Guud ee ururka Iskaashiga dalalka Bariga Afrika ee EAC loo magacaabay Mr Liberat Mfumukeko oo u dhashay Burundi, kaasoo xilka hayn doona illaa bisha soo socota ee Abriil.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews