berberatoday.com
Dawlada Jabuuti Oo Ka Dareen Celisay Go’aankii Maxkamadda Britain Ka Gaadhay Dacwadii U Dhaxaysay Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre
March 4, 2016 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jabuuti Iyo Shirkada DP World Ee Laga Leeyahay Waddanka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Oo Maamusha Dekedaha Jabuuti Ayaa Ka Hadlay Maanta Go’aankii Maxkamadda Britain Ee Shalay Ay Ku Sheegtay In Maal-Qabeenka Reer Jabuuti, C/Raxmaan Boorre Lagu Waayay Dambiyadii Lagu Soo Eedeeyay, Loona Fasaxo Lacagaha Kaga Xayiran Caalamka.

ismaciil

War-Saxaafadeed Ay Maanta Soo Saartay Xukuumadda Jabuuti Ayay Ku Sheegtay In Ay Aad Uga Niyad-Jabtay Xukunkii Arbacadii Shalay Kasoo Baxay Maxkamadda UK, Isla Markaana Aysan Ku Qanacsanayn Natiijada Xukunka Iyo Garsoorihii Xukunka Riday.

“Jamhuuriyadda Jabuuti, Waxay Si Dhaqso Ah Ugula Tashanaysaa Qareennadeeda, Sida Ugu Habboon Ee Ugu Wanaagsan Ee Ku Qaadi Karto Tallaabo, Taasoo Ay Ku Jirto Suuro-Galnimada Inay Rafcaan Ka Qadato Xukunkaas,” Ayaa Lagu Sheegay War-Saxaafadeedka Jabuuti.

Ganacsade C/Raxmaan Boorre Ayay Xukuumadda Jabuuti Ku Eedeysay Inuu Musuq-Maasuq Iyo Dambiyo Kale Uu Faraha Kula Jiray, Laakiinse Maxkamadda Ayaa Sheegtay In Dambiyada Lagu Soo Oogay C/Raxmaan Boorre Ay Ku Wayday. Waxaana Ganacsadahan Xukunka Kaddib Uu Saxaafadda U Sheegay In Dambiyadii Lagu Oogay Oo Dhan Ay Ahaayeen Kuwo Siyaasadeed Uuna Soo Abaabulay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle Si Sucaddiisa Uu Ugu Baabi’iyo.

Sidoo Kale, Xukuumadda Jabuuti Ayaa War-Saxaafadeedkeedan Ku Sheegtay In Julian Flaux Oo Ahaa Xaakimkii Maxkamadda Britain Uu U Dhaqmay Si Ka Baxsan Garsoorenimada, Kana Tallaabsaday Sharciyada Waddankiisa; Isla Markaana Uu Xooray Gabi Ahaan Eedeymihii Loo Haystay C/Raxmaan Boorre.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews