Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Bulshada Reer Somaliland Uga Digay Inay Qolo-qoleeyaan Ciidamada Qaranka
March 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddomiyha Xisbiga KULMIYE ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaasi oo dhankiisa ka qayb galay aaska marxuun taliye casayr ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu tliyuhu ka baxay waxaanu Guddomiyuhu sheegay in falka lagu dilay marxuumku uu ahaa mid wax lagu yeelay nabad galyada Jamhuuriyada Somaliland waxaanu yidhi Guddomiye Muuse”Waxan tacsi u dirayaa qoyska iyo qaranka uu ka baxay Marxuumku ,dhimashadanu way ka duwan tahay dhimashoyinka kale waayo raga isu dayay inay dilaan waxay gilgileen amniga Jamhuuriyada Somaliland”