berberatoday.com
Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil Oo Wali Ku Xidhan Saldhiga Dhexe Berbera Iyo Dareenka Ku Xeeran
March 4, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Yuusuf Axmed Maxamed(Halac-dhagoole),ayaa wali ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Berbera iayada oo ooda laga qaadey caweysinkii xaley guud ahaanba masuuliyiin iyo madaxdhaqameed badan oo kasoo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaas oo loo xidhay dilkii Taliyihii Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Axmed(Caseyr).

halac oo muusehalac

Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee Masuulkan kaadiriyiinta Xisbiga Kulmiye ka tirsan loogu reebay Xabsiga dhexe ee magalada berbera,waxaanu u sheegay qaraabadiisa oo ku booqdey Saldhiga uu ku xidhan yahey ee Magaalada Berbera in uu xadhigiisa u arko xaqdaro iyo mid gef ku ah xuquuqdiisa ,islmarkaana aanu garaneyn sababta loola hadhey, ee wali loogu hayo Xabsiga ,isagoo xusey in aanu habayaraatee ogeyn wax dambi ah oo uu galey ilaa imika.
Yuusuf Axmed Maxamed(Halac-dhagoole), Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Gobolka Saaxil ayaa Dadweynaha Reer Berbera ku tiriyaan kaadiriyiinta daacada u ah Xisbigaasi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee wakhti xaadirkan ah Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Kulmiye oo Berbera kusugan balse aan marnaba ka hadal Gudoomiyihii Xisbigiisa Gobolka Saaxil ujoogay oo Xabsiga Berbera Ku cawaynaya iyada oo aan wax danbiya oo uu Galayna la shaacinin ilaa hada. 

waxaanu Xadhiga Masuulkani umuuqdaa mid fadeexad ku ah Xisbil Xaakimka Kulmiye iyo maamulkiisaba sidoo kale waxa ka muuqata Xadhiga masuulkan inay Xukumada iyo xisbigeedu kala jaho usocdaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews