berberatoday.com
Mudane Madaxwayne ,Badhisaabkasta u daa Gobolkuu u Dhashay si Nabad galyada uu Wax uga Qabto W/Q.Qareen / Khadar Aar .
March 4, 2016 - Written by Berbera Today
Wakhtiyadan Danbe waxa Jamhurida Somaliland kusoo Noqnoqonaya Dilal aad Moodayso in ay Qorshaysan yihiin iyo kuwo aan Qorshays’naynba,taaso Laf dhabarta ka jabinaysa Nabadgalyadii iyo Horumarkii .
 
Waxaa in badan soo Noqnoqda Dilalka Sarakiisha Cidanka iyo Mudaharaado aad moodo in qaab Qabiilaysan losoo abaabulay oo ay dhici karto in ay wax badan yelaan Horumarkii iyo Nabadgalyadii Gobolkaasi amma Dalka oo dhanba.
 
Aduunka oo dhan waa ay ka dhjacaan Dhacdoyinkaasi mana aha kuwa Somaliland gaar u ah ,lakiin waxa aad modaa in si isku Dhaw ay markasta usoo labanayaan ,iyada oo dhinaca kale marka aad egtana Sababta keenaysaa ay tahay Qabyaladii oo aad usoo Xoogaysanaysa isla markana mararka qaar aad is odhanayso Dalkani waxa uu halis ugu jiraa in Qabyaladu ay Naafayso .
 
Waxbadan oo Wadanka ka dhacaya mararka qaar waxa aad is odhanaysaa ma Dawlada ayaa ka danbaysa ,taas waxa aan u leeyahay Waxa aad arkaysaa Shaqaqo amma Xurguf yar oo Xiliga ay bilawga tahay u bahan in wax laga qabto oo aanay Dawladu Dhagba Jalaq usiin waxana ka mid ah In badan ayaa waxaa dhagaheena kusoo Duulayay Bariga Magalada Berbera gaar ahaan Degaanka Ceel Garde ayaa waxaa laga samaynayaa Dekad Macmal ah ,Dawladu Samaynta Dekadasi iyada ayaa ku lug lahayd iyada ayaana ka danbaysay oo wax dhici kara maha Caqligana gali mayso Dawladu arintaa War lkama hayso ,lakiin Dawladu way u khuurisay kadibna waxaa ka sooxay Dhacdadii Lagu Dilay Sarkaalkii C/Risaaq Yusuf (Casay) Taliyihii Cidanka Boliska ee Gobolka Saaxil .
 
Hadaba Dhacdooyinkan aadka u Foosha Xun ee soo noqnoqonaya qaabkee amma Taladee ayaa looga Gudbi karaa.
 
Aniga Rayigayga waxa ay ila tahay in Madaxwaynahu Qaabkan uu u Magacabayo Madhisabada Gobolada in uu wax ka badalo oo Badhisaabkasta oo la Magacabayo loo Daayo Gobolka uu u dhashay ,waayo Gobolka aad u dhalatay hadii aad tahay Nin soo jeeda Xaladiisa waad oganaysaa,waxa aad Aqoon Fiican u leedahay Saladiinta Gobolkagasi,Cuqaasha,Ganacsatada,Culimada,Ardayda iyo Dhamaan Aqoonyahanka Gobolkaasi ,taasi waxa ay Ninka Badhisaabka u sahlaysa in waxkasta inta anay dhicin uu ka War helo , amma hadii ay dhacaan in Xalinteedu aanay Wakhti dheer ku qaadan .
 
Hadii se sida hadaba dhacda ee Madaxwaynahu sameeyo Gobolkasta la keeno Nin aan waligii arkin.waligii aan tagin ,Qof kaliya aan ka aqoon,waxaa ku adkanaysa in uu Gobolkasi dhibkasta oo ka dhacda uu Xaliyo ,waxaa kaloo Wakhti dheer ku qadanaysa in uu Horta Gobolkan uu yimi uu barto Dhaqankiisa,Deegaankiisa ,Dadka Gobolku waxa ay isku hayaan iyo waxa ay heshiiska ku yihiin iwm.
 
Waxa aad arkaysaa Badhisaab Cusub uu Gobol aanu garanayn la keenay oo dhacdo kasta oo Gobolkiisa ka dhacda waxa kaliya ee uu ku xalinayaa waxa ay tahay in uu Edacadaha iyo TV inta uu ka hadlo uu yidhaahdo waxa aanu Gacan bira ku qabanaynaa kuwii Farkaas gaystay ,kadibna Hanjabadaha iyo Aqoondarada uu Gobolka u leeyahay waxa ay ka cadhaysiinaysaa Dadbadan oo Gobolka Dagan.
 
Mudane Madaxwayne waan fahmi karaa Sababta kugu kalifaysa in Badhisaabkasta aad u badasho Gobol aanu u Dhalan waxa aad Taaga isletahay Is dhexgalka Bulshadu ha ku hagaago ,lakiin kuma hagaagayo ee waxaa ka imanaya Aniga Rayigayga Aqoondaro  iyo Nin Indha la Gobolkuu ka shaqaynayo aan garanayn.
 
Waxa ay ila tahay Badhisaabkasta ha loo daayo Gobolka uu u dhashay walibana Badhisabada la Doranayaa ha noqdaad Dadka Ehelu Baladka ee Gobolkaasi yaqaana.
 
 
W/Q .Qareen /KHadar Ibreahim Aar .

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews