Budhcad Badeed Somaliyeed Oo Mudo Sanado Ah Ku Xidhnaa Dalka Kenya Oo Xoriyadoodii Dib Uhelay
March 5, 2016 - Written by Berbera Today
Mombasa(Berberatoday.com)-Muwaadiniin Somali ah oo tiradoodu ahayd toddoba qof uguna xidhnaa Dalka Kenya Burcad-badeednimo muddo toddoba sano ah ayaa dib loogu soo celiyay Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa sii-dayntooda danjiraha Soomaaliya u farahiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan.

Toddobadan qof ee Soomaalid ah ayaa ku xirnaa muddadaas sannadaha ah xabsi ku yaalla Mombasa, ayaa waxay dhameysteen xukunka, inkastoo ay iska diideen inay ahaayeen burcadbadeed.