Dablaydii Lagu Eedeynaayay Dilka Taliyihii Qeybta Booliska Berbera Lasoo Qabay Sharcigana Waa La Horgeyn Doonaa, Maxaase Xukumadu Ka qaban Doontaa Halkii Ay Fidmadu Ka Bilaabantay Ee Dhismaha Dekeda Macmalka Ah Ee Ceelgardi
March 5, 2016 - Written by Berbera Today
Guud ahaan Saxaafada Madaxa Banaan ee wararka nasoo gaadhsiisa waan salaamayaa waxaanan uga mahad celinayaa sida hufan ee ay noosoo gaadhsiiyaan xaalada dalkii ku suan yahay iyo dhacdooyinka ka jira
dhacdadii dhawaan ka dhacaday Tuulada Biyoolay oo katirsan Gobolka Saaxil ee lagu khaarajiyay Taliyihii Qeybta Booliska Berbera Alle Ha Unaxariiste Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr) Sadex maalmood kadib waa la soo gabagabeeyay waxaanay ciidamada amaanka Somaliland gacanta kusoo dhigeen Dablaydii buuraha gashay ee lagu eedeeynaayay dilka Taliyahaas Geeriyooday, Waa talaabo wanaagsan in sharciga la horkeeno qofkasta oo lagu tuhunsan yahay inuu dilka Taliye marxuum cabdirisaaq Caseyr oo ahaa askari Qaran balse waxa wanaagsan oo dawladnimada iyo qaranimada ku wanaagsan in aanay Xukumadu baraarugin marka uu dilku dhaco ee ay fiiro dheer uyeelato dhacdooyinka sababi kara amni darada ee iska horkeeni kara shacabka kuwaas oo ay kamid tahay dhacadadan Taliyaha lagu khaarajiyay oo ka bilaabantay ama ay kjooxdani dilka Taliyaha lagu eedeynayaa buuraha ugaleen oo ah dhismaha Dekeda macmalka ah ee Beesha Madaxweyna Siilanyo dhismaheeda ka bilaabeen Deegaanka Ceelgardi oo 22KM dhinac bariga kagan beegan magaalada Berbera, dhsimaha Dekedaas macmalka ah oo xukumadu hore usheegtay in aanay barna kaga oolin dastuurka dalka uyaala iyo qeynuunka dawladnimo inay beel, shaqsi, urur, ganacsato isutagtay iyo cid kaletoona dhisan karin Deked marka laga reebo Dekeda dawladu dhisayso oo qaranku leeyahay mooyaane ayaanay hadana Xukumada Madaxaweyne Siilanyo ilaa had wax talaabo ah ka qaadin dhismaha Dekedaas fidmadu ka dhalatay ee qaabka reeraysan ay udhisanayso Beesha Madaxweyne Siilanyo dhawarka jeerna Xukumadu ku dhawaaqday in aan dhismaha Dekedaasi sharci ahayn lana joojiyay.