berberatoday.com
Dablaydii Lagu Eedeynaayay Dilka Taliyihii Qeybta Booliska Berbera Lasoo Qabay Sharcigana Waa La Horgeyn Doonaa, Maxaase Xukumadu Ka qaban Doontaa Halkii Ay Fidmadu Ka Bilaabantay Ee Dhismaha Dekeda Macmalka Ah Ee Ceelgardi
March 5, 2016 - Written by Berbera Today

Guud ahaan Saxaafada Madaxa Banaan ee wararka nasoo gaadhsiisa waan salaamayaa waxaanan uga mahad celinayaa sida hufan ee ay noosoo gaadhsiiyaan xaalada dalkii ku suan yahay iyo dhacdooyinka ka jira

dhacdadii dhawaan ka dhacaday Tuulada Biyoolay oo katirsan Gobolka Saaxil ee lagu khaarajiyay Taliyihii Qeybta Booliska Berbera Alle Ha Unaxariiste Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr) Sadex maalmood kadib waa la soo gabagabeeyay waxaanay ciidamada amaanka Somaliland gacanta kusoo dhigeen Dablaydii buuraha gashay ee lagu eedeeynaayay dilka Taliyahaas Geeriyooday, Waa talaabo wanaagsan in sharciga la horkeeno qofkasta oo lagu tuhunsan yahay inuu dilka Taliye marxuum cabdirisaaq Caseyr oo ahaa askari Qaran balse waxa wanaagsan oo dawladnimada iyo qaranimada ku wanaagsan in aanay Xukumadu baraarugin marka uu dilku dhaco ee ay fiiro dheer uyeelato dhacdooyinka sababi kara amni darada ee iska horkeeni kara shacabka kuwaas oo ay kamid tahay dhacadadan Taliyaha lagu khaarajiyay oo ka bilaabantay ama ay kjooxdani dilka Taliyaha lagu eedeynayaa  buuraha ugaleen oo ah dhismaha Dekeda macmalka ah ee Beesha Madaxweyna Siilanyo dhismaheeda ka bilaabeen Deegaanka Ceelgardi oo 22KM dhinac bariga kagan beegan magaalada Berbera, dhsimaha Dekedaas macmalka ah oo xukumadu hore usheegtay in aanay barna kaga oolin dastuurka dalka uyaala iyo qeynuunka dawladnimo inay beel, shaqsi, urur, ganacsato isutagtay iyo cid kaletoona dhisan karin Deked marka laga reebo Dekeda dawladu dhisayso oo qaranku leeyahay mooyaane ayaanay hadana Xukumada Madaxaweyne Siilanyo ilaa had wax talaabo ah ka qaadin dhismaha Dekedaas fidmadu ka dhalatay ee qaabka reeraysan ay udhisanayso Beesha Madaxweyne Siilanyo dhawarka jeerna Xukumadu ku dhawaaqday in aan dhismaha Dekedaasi sharci ahayn lana joojiyay.

Ma Xuma in la joojiyaa balse dhismihii Dekeda macmalka ah hore ayaa loo bilaabay iyada oo anay cidi ogayn oo si qarsoodiya loo dhisaayay markii la ogaadayna waatii dhacdada weerarka sababtay ee dadka deegaanku weerarka ku qaadeen inkastoo aanay khasaare nafeed ka dhicin lana sheegay in qalabkii Deked macmalka ah lagu dhisaayay waxyeelo loo geystay ilaa wakhtigaas weerarkasi dhacay ilaa hada wax ciidan dawladeeda oo goobtaas la geeyay ma jiro waxaanay wararka aanu ka helay deegaanka Ceelgardi sheegayaan in dhismihii Dekedaas macmalka ah ilaa hada la wado oo aan dadka dhisaayay dheg ujalaqsiin dhawaaqii xukumada ee ahaa waa sharcidaro lamana dhisi karo, Xukumada Madaxweyne ayaad moodaa in arinkeedu yahay qawda maqashii waxna ha uqaban sababtoo ah amarkeedii ay dhismaha dekedaas kasoo saartay ma shaqayn mana hirgalin tala xumada Xukumada Madaxweyne Siilanyo waa ta keentay dilka taliyaha geeriyooday ayaa la odhan karaa sababtoo ah hadii ay dhismahaas soo baabi,in lahayd ama saldhiga ciidanka bada ah ka dhigi lahayd waxaniba maya dhaceen, imika oo facaa,ilkii ka dhashay dhismaha dekedaasi sababay dhacdadii qaranka gilgishay ee lagu khaarajiyay Taliyihii qeybta Booliska Berbera Marxuum Caseyr ayaanay ilaa hada muuqanin  staraatijiyada cad oo xukumada madaxweyne siilanyo kasoo saartay dhismaha Dekedaas sharcidara ah, hadii dekedo dalka loo dhisayo marka koowaad waa inay noqotaa Dekeda la dhisayaa deked qaranku leeyahay oo laga dhisayo meeshii ku haboonayd, waxa jira oo ubaahan in dekedo laga dhiso dekedo qadiim ah oo dalku leeyahy Sida Seylac,Xiis iyo Maydh kuwaas ubaahan in la dhiso masaafo ku haboona ujira Dekeda caalamiga ah ee Berbera ee dalka oo dhan waraabisa.

Hadaba waxan hadalkayga kusoo gunaanadayaa Maxaa looga fadhiyaa xukumada madaxweyne Siilanyo ee ku aadan dhismaha Dekeda macmalka ah ee beeshiisu damacsan tahay inay duleedka Berbera ka dhisato kalana soo dagto badeecado bilaa cashuura oo dalka iyo dadkaba fasahaadin kara amnigana dalkana khal khal galin kara, waxa la gudboon inay dhsimahaas macmaclka ah ee ciida iyo dhagax lays dul toolay bada soo baabi,iso hadii kale waxa ay shacabka reer Somaliland u arkaan in Madaxweynaha iyo Beeshiisu soo duuleen oo dhul aanay ab iyo isrtoona ulahayn doonayaan inay deked sharci daro ah ka dhistaan talo reerna ay ku dhisayaan iyafa oo awooda dawladnimo ka faa,iidaysanaya,

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

 Qareen Nuur Maxamed Cali

Oslo Norway

Nuuriye@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews