“Sarkaalkaa Booliiska Ee Berbera Lagu Dilay Waa Kii Imisaad Ee La Dilo Inta Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Dalka Hogaaminaysay…..” Sheekh Aadan-Siiro, Daawo Muuqal
March 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcihii shalay kaga hadlay Xaaladda Nabadgalyo ee Somaliland, Caddaaladda iyo Dilkii dhawaan deegaanka Biyoole loogu geystay Taliyihii Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Caseyr.
Sheekh Aadan-Siiro, waxa Xukuumadda, Culimada iyo Madax-dhaqameedka ugu baaqay in laga wada shaqeeyo adkaynta Nabadgalyada, isagoo ka digay in hawlaha Doorashooyinka iyo dhacdooyinka ka taagan Dalka uu Cadowgu ka faa’ideysto.