berberatoday.com
Doon Hub Culus Siday Oo Kusoo Jeeday Xeebaha Somaliya Oo Lagu Qabtay Biyaha Bada Gacanka Cadmeed Iyo Cida Loo Tuhunsan Inay Hubkaas Leeyihiin
March 6, 2016 - Written by Berbera Today

hubkaSalalah(Berberatoday.com)-Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Australia oo lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa qabtey ku dhawaad 2000 oo qoiri oo AK47 ah iyo hub kale oo loo wadey Somaliya.

Ciidamada saaran Markabka HMAS Darwin ayaa doonta hubka wadey ku istaajiyey meel 300km u jirta xeebta dalka Cumaan, waxaana ay ka heleen ku dhawaad 2000 oo qori oo AK47 ah, 49 Qori oo ah Hubka culus ah iyo Gantaalada garbaha laga tuuro oo gaaraya 100.

War ka soo baxay ciidanka Australia ayaa lagu sheegay sababta hubkan loo qabtey ay tahay go’aankii Qaramada Midobey ee xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993.

Doonta la qabtey oo nooceedu ahaa mid kaluumeysi ayaa ku jeedey xeebaha Soomaaliya. Ma cadda goobta saxda ah ee hubkani ku socday iyo cida laheyd ee soo iibsatay balse waxa loo malaynayaa inay hubkaasi loo waday kooxo argagixiso oo kusugan wixii laysu odhan jiray Somaliya ama kooxo dano Gaara leh oo amniga mandaqada waxyeeli kara. waxaanay wakaalada wararka ee Dalka Australia oo aanu warkan kasoo xiganay sheegtay inay saacadaha soo socda shaacin doonaan goobta saxda ah ee hubkani lagu waday iyo cid soo iibsatayba.

 

doon

Dhanka kale Ciidamada Australia kama aysan hadlin xiliga ay qabteen doontan, la aminsan yahay in ay ka timid dhanka dalka Yemen ama dalalka kale ee Bariga Dhexe ee nidaam daradu ka taagan tahay.

Xeebaha wixii laysku odhan jiray Somaliya waxaa weli ilaalo ka haya maraakiibta shisheeye tan iyo sanadkii 2010, kadib markii ay oggolaansho ka heleen Qaramada Midoobey, kadib markii Budhcad-badeed ka dilaaceen xeebaha Somaliya afduubyana ugeysteen maraakiib tira badan  oo ay intooda badan ka qaateen lacago malaayiin dollar ah oo Madax furasho ah.

 

 

Berberatoday.com

London Office

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews