berberatoday.com
Boqor Buurmadow Oo Ka Qoomameeyay Hadal Naxli Xambaarsan Uu Ku Duray Madaxda Iyo Beesha Gobolka Saaxil Raali Galina Ka Bixiyay
March 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Boqor  Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa raali gelin ka bixiyay, eedaymo uu hore ugu jeediyay maamulka gobolka saaxil, Isla markaana wuxuu bulshadda ugu baaqay in la ilaaliyo nabadgelyada dalka, boqorku waxa uu u mahad celiyay cid walba oo gacan ka geysatay, qabqabashada dablaydii dilka geysatay.

Boqorku isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi“Raaligelin.  waxaan mar labaad iyo mar saddexaad u mahadnaqayaa xukuumada Somaaliland siday wax uga qabatay dhacdadii foosha xumayd ee dilkii gaashaanle Cabdirisaaq. Waxaan kale oo u mahadnaqayaa beeshii aanu walaalaha ahayn ee ay ka soo jeedeen gacanku dhiiglayaashu oo si cad u la shaqeeyey xukuumada qaybna ka ahaa qabashadii gacanku dhiiglayaasha iyaga oo muujiyey ficilo lagu samri karo. Waxaan qirayaa aniga laftigay iyo madaxdhaqameedkii beeshayadu inaanu si adag u hadlay waxaana jirtay hadaladayada inay qaarkood u baahnaayeen tifatirid. Waxaynu nahay bani aadmi sax iyo khaladba ka dhici karo. Siiba markay dhacday geeri culus.. Hadalkaas nagama keenin dhacdo keliya waxaa jirtay inamadu in ay ku kaceen saddex dhacdo oo ka horeeyey hadaba si aanu u dejino beeshayada una dareensiino walaalahayo dhacdooyinkaasi inay keeni karaan dhib ayaan wax ka qaban karin ayaa kaliftay inaanu hadalka taagno. Maadaama gacanta lagu hayo cidii dilka gaysatay. Dhinacyadana aynu ka wada taaganahay sharcigana ay hor joogaan maanta. Waxaan raaligelin buuxda ka bixinayaa wixii hadal xagayaga ka dhacay ee aan ku haboonayn meesha waxa kale oo aan raali geli ka bixinayaa qoraaladii Facebook ee dadkii kacsanaa aanay u meel  deyin. Anaga sida madaxdii qaranku ka hadashay waxa denbiile ah cidii ay kula galgashaan ragii denbiga galay oo qudha ama hay’adaha caddaaladu wax ku cadeeyaan waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo gudoomiyaha xisbiga ucid oo noo muujiyey walaaltinimo iyo tolnimo gaar ah tacsidii ka qaybgalkeediina na tus ehelnimo waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dhamaan madaxdii iyo aqoonyahankii ka koobnaa dhamaan Somaaliland waxa kale oo aan u mahadnaqayaa madaxdhaqameedka reer boorama ee tacsida noo soo diray iyada oo ay jirtay inaanu si adag u weeraray maayarka berbera iyo maareeyaha dekeda waxaan ku amaanayaa sidaanay isu gelin oo ay weliba ug qayb ahaayeen baadidoonkii gacanku dhiiglayaasha ama tacsidii uga qayb qaateen. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa suldaan maxamed maxamuud xandule indhacase iyo suldaantuulo iyo wasiir cali dhegoole doorkii ay ka qaateen waxaanu diyaar u nahay in xaajada wixii danbe aan la siyaasadayn ee loo galo si miisaaman waxaan kale oo u mahadnaqayaa dhamaan beelaha habarjeclo oo ku dedaalay inay is xakameeyaan waxaan raaligelin u dirayaa dhamaan qaranka somaaliland wixii hadal ah ee cadawga ka farxiyey waxaan kale oo cadaynayaa in uu xidhiidhkii iyo xeegaantii beeluhu sidiisii ahaan doono wabillaahi tawfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews