berberatoday.com
Guddoomiye Cirro Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Kusoo Maraya Gobolka Saaxil Iyo Degmooyinka Laga Bilaabayo Diwaangalinta Codbixiyayaasha
March 7, 2016 - Written by Berbera Today

Mandhera(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ku tagay gobolka Saaxil.

Safarkan uu Guddoomiye Cirro saaka ku tagay gobolka Saaxil ayaa ujeedadiisu ahayd sidii bulshada gobolka Saaxil loogu baraarujin lahaa Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo ka Bilaabmaysa gobolkaas.

Guddoomiye Cirro iyo waftigiisu waxaa ay soo dhawey diiran kala kulmeen bulshada ku nool degmooyinka Abdaal , Madheera iyo Lafaruug, halkaas oo waftiga lagu soo dhaweeyay caleemo qoyan iyo calanka Xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo bulshada la hadlay ayaa ku wacyigaliyey muhiimada uu leeyahay kaadhka diwaangalinta Codbixiyuhu isagoo sidoo kalena bulshada ugu baaqay inay qaataan kaadhkaasi si ay u codeeyaan doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka.

“Shacabka Reer Ab-daal Iyo Dadwaynaha Reer Mandheera Waxay Si Xor Ah U Muujiyeen In Ay Yihiin Isbadel Doon  Waxaanaan  Idiin Sheegayaa In Aan Imi Gurigaygii  Codka Shacabkana Cid Iiga Dhawi Ma Jirto,Waxaan idinku boorinayaa in aad gacana kaadhadka codbixinta ku qaadataan,gacanta kalena nabadgelyada ku ilaalisaan “Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

 

Guddoomiye Cirro waxaa kale oo uu bulshada usoo jeediyay inay ilaashadaan nabadgalyada ay ku waartay Somaliland.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews