Guddoomiye Cirro Oo Gaadhey Barriga Gobolka Saaxil Iyo Degaano Aanay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Gaadhin+Daawo Sawirada
March 8, 2016 - Written by Berbera Today
Raari Buul(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo waftigii uu hogaaminaayey oo maalmihii ugu dambeeyeyba socdaalo ku maraayey gobolka Saaxil ayaa saaka u jihaystay degaanada fog fog ee gobolkaasi,kuwaas oo ka dayacan dawlada Somaliland.
guddoomiye cirro ayaa la kulmay dadweynaha degaanadaasi oo gebi ahaanba ka aradan dawladnimada Somaliland oo aan gaadhin,sidoo kalena waxa ay dadkaasi ka aradan yihiin adeegyada Bulshada ee kala duwan,iyaga oo aan astaan dawladnimo arag wixii ka dambeeyey dawladii Siyaad Barre oo ahayd dawladii ugu dambeysay ee xukunta dhulkaasi.