Madaxwayne Siilaanyo Oo Dhambaal Hambalyo Udiray Haweenka Somaliland Xuska 8 March Awgeed
March 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo wuxu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba haween weynaha Adduunka dabaal-degga 8da March, maalinta Caalamiga ee Haweenka.
Madaxweynuhu munaasibada 8da March awgeed, wuxuu haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.
Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyey haweenka lafdhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dibu-dhiska iyo horumarka waddanka.