berberatoday.com
Madaxwayne Siilaanyo Oo Dhambaal Hambalyo Udiray Haweenka Somaliland Xuska 8 March Awgeed
March 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo wuxu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba haween weynaha Adduunka dabaal-degga 8da March, maalinta Caalamiga ee Haweenka.

Madaxweynuhu munaasibada 8da March awgeed, wuxuu haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.

Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyey haweenka lafdhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dibu-dhiska iyo horumarka waddanka.

Dhinaca taageerad, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, wuxuu sheegay in sidii uu horeba ugu taliyey, imikana ay ka go’an tahay in haweenka Somaliland saami go’an (Quota)ka helaan Barlamaanka dalka, golaha wakiiladuna meelmarinyo kootada ay hawenku dalbadeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey sida uu diyaarka ugu yahay in haweenku qayb ka ahaadaan meel kasta oo talada dalka lagu go’aaminayo kaalmo muhiim ahna ka galaan saaxada siyaasada, dawladda iyo asxaabta qarankaba.

Gebegebadii Madaxweynuhu wuxuu xusay in haweenkii uu ku soo daray xukuumaddiisu iyo kuwa ka tirsan shaqaale weynaha dawladduba muujiyeen dedaal iyo howlkarnimo mudan ku dayasho, hawlaha ay qaranka u qabteen awgeed.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews