berberatoday.com
Qodobo Somaliland Baahi U Qabto oo Musharrax Jamaal Cali Xuseen Dabooli Karo
March 8, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Qodobo Somaliland Baahi U Qabto oo Musharrax Jamaal Cali Xuseen Dabooli Karo, Midnimada Qaran, Shaqo Abuurka Dhalinta, Keenista Aqoonsi…

Musharraxa ugu aqoonta badan, uguna da”ada yar ee caqligiisu taamka yahay, aqoonyahan Jamaal cali Xuseen ayaa la sheegay inuu yahay shaqsiga keliya ee walaaleyn kara dhammaan Bulshada Somaliland oo ah Beelo kala duwan. Jamaal Cali xuseen oo labada Musharax ee kale, kaga duwanaaday godob la’aan iyo garasho badnaan, ayaa caanku ah samo-talisnimo iyo nabad-gelyo jacayl.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Xisbiga Ucid, ayaa ah aqoonyahan Somaliland baahi weyn u qabto, arrimo door ah awgood. Kuwaasoo dadka sida dhabta ah u taageersani aaminsan yihiin, inuu si weyn wax uga qaban doono. Waxana la filaya marka uu ku guuleysto Doorashadda inuu ugu horreyn dhamaan Beelaha Somaliland ka dhigi doono, kuwa isku maskax ah, oo isku fikir ah, iyaddoo ay meesha ka bixi doonto arrinta qabyaaladda beeleysan ee xilliyadan danbe inagu soo badatay.

Musharraxa Xilka madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen, waxa uu aqoon durugsan u leeyahay Cilmiga dhaqaalaha, isagoo la filaayo haddii uu ku uuleysto Doorashadda soo socota inuu wax badan ka qaban doono arrimaha dhaqaale xummo ee dalka, sidoo kalena, waxa uu wax ka qaban doona shaqo la’aanta baahsan ee ku habsatay dhalinyaradda Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyey micin biday inay Naftooda ku biimeeyan Badda, kuwaasoo u tahriibaya waddamada shisheeye.

Jamaal Cali Xuseen, hadii uu xukunta ku guuleysto, waxa uu wax ka qaban doonaa, qabyaaladda, waxana la aaminsan yahay inuu noqon doono mid mar labaad yagleela oo seeska u dhigga Somaliland, isagoo walaaleyn doona ummadda reer Somaliland gudo iyo dibedba, arrintaasoo haddii la helo, Somaliland ka dhigi doontaa dal gaadha hadafkiisa qaranimo.

Musharrax Jamaal Cali, waxa la ruummeysan yahay inuu yahay shaqsiga keliya ee Somaliland gaadhsin kara himiladda mudada dheer la wada naawilaayey ee aqoonsi raadinta. Waxana la rumeysan yahay inuu saaxibo badan uu ku leeyahay aduunweynaha, sidoo kale, uu yahay shaqsi daacad ka ah arrinta aqoonsi raadinta, isagoo leh khibrad iyo waayo aragimo uu kasoo faa’iday muddo dheer oo uu kasoo shaqeeyey dawladdo heer caalami ah oo uu waxyaabo badan oo uu ay awoodi kari waayeen usoo qabtay, isagoo noqday Soomaliga keliya ee guul wax ku ool ah usoo jiiday dawlado waaweyn oo uu usoo shaqeeyey la soco.. qaybo kale.

W/Q

Qaasim Abokor Cali
qaasim4422@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews