berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Xeer Ilaalinta Gobolka Togdheer Oo Xabsiga Utaxaabtay Wariye Axmed Sakaaro Intay Siidaysay Kooxdii Shuftada Aheyd Ee Dhaawacyada Halista Ah Ugaystay
March 8, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Xeer ilaaliyaha Gobolka Togdheer oo magaciisa lagu sheegay Axmed ayaa saaka subaxnimadii xabsiga utaxaabay Wariye Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)oo maxkamada ka dalbaday in la siiyo faylkii ama xukunka dacwad dhawaan maxkmada Gobolka Togdheer ku dhawaaqday oo ay xukuno kala duwan ku riday koox shufto ah oo Wariye Axmed sakaaro bishii tobnaad ee sanadkii hore dhaawacyo halisna lagu gaadhsiiyay kadib markii ay weerar ku qaadeen,

Xukunada kooxdaas shuftada ahi ugaysatay wariyaha ayaa ucuntami waayay Axmed Sakaaro kadib markii maalmo kooban kadib dadkii weerarkaas ugeystay ee naftiisa halista galiyay markii xadhigii lagu xukumay loo iibiyay maalmo kooban kadibna suuqa burco uu ku arkay iyaga oo dhex mushaaxaya. waxaanu saaka Wariye Axmed sakaaro saaka Xeer ilaalinta Burco utagay sidii uu uga soo qaadan lahaa falkii dacwada si uu racfaan uga qaato xukunkii hore ee maxkamada Gobolka Togdheer ku riday kooxdaas shuftada ah ee waxyeelada ugaystay, 

Xeer Ilaaliyaha Gobolka Togdheer ayaa markii uu Wariye Axmed sakaaro weydiistay galkii ama falkii dacwadiisa in lasiiyo ayaa waxa loogu jawaabay kusiin mayno hadaad meesha ka tagi weydana waanu ku xidhnaa  sidaasna xabsiga ayaa loogu taxaabay oo uu hada ku xidhan yahay, sida sharcigu dhigayo qofka dhibanaha ahi hadii uu saluugo xukunka dacwadiisa maxkamadi kasoo saartay racfaan wuu ka qaadan karaa waana qeynuun caadiya oo lagu dhaqmo balse xadhiga iyo hanjabaada Wariye Sakaaro waxa uu cadaynayaa in ay wali faraha kula jiraan kiiskan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay oo kamida masuuliyiinta dawlada ee gobolka Togdheer oo hore uu usheegay Wariye Axmed sakaaro inay ka danbeeyeen weerarka nafiisa halista lagu galiyay kuwaas oo uu sheegay ina lacag badan ku bixinayaan sidii dacwadaasi loo majara habaabin lahaa.

Hadii aanu nahay Bahda Shabakada Wararka ee Berberatoday.com waanu cambaaraynaynaa xadhigaas sharci darada ah ee tacdiga ah ee lagula kacay Wariye axmed Muuse maxamed(Sakaaro) waxaananu ugu baaqaynaa Xeer ilaalinta Gobolka Togdheer inay xoriyadiisa usoo celiyaan wariyaha.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqalka wariye Axmed Sakaaro oo Hore Uga Cawday Qaabka Loo Soo Daayay Kooxdii Shuftada Aheyd Ee Dhaawacyada halista Ah Gaadhsiiyay

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews