berberatoday.com
Dhismaha Gudiyada Ictiraaf Raadinta Qurbajoogga Somaliland oo si habsami leh uga qabsoomay wadamada Yurub
March 9, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxa ka socda dalalka Yurub oo qurbajoogga ugu badani ka joogaan Somaliland dhismaha Gudiyada Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Qurbajoogga (Somaliland Diaspora Recognition Committees). Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi; safarkaas oo ujeedadiisu la xidhiidho hawshaas isugu maraya wadamo badan ayaa illaa hadda gaadhay dalalka Holland, Belgium, France, Sweden, Finland iyo Norway oo dhammaantood kadib kulamo wadatashi oo ay yeesheen gudiyada iyo qaybaha bulshada jaalliyadaha laga soo dhisay Gudiyada Ictiraaf Raadinta. Wuxu Guddoomiyuhu maanta gaadhay (Shalay) dalka Germany, waxanu ku sii socon doonaa wadamada kale ee Denmark ka midtahay oo Somaliland ku leedahay qurbajoog badan. Waxa laga dhisay Gudidii u horraysay ee noocan ah dalka UK ee qurbajoogga ugu tirada badan ee Somaliland ku dhaqanyihiin bishii January, 2016.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooggu dhammaan kulamada uu la yeeshay jaalliyadaha wuxu ku dhiirrigeliyay qurbajoogga inay xoojiyaan wadajirkooda iyo iskaashiga dhexdooda una midoobaan danaha qarankooda JSL iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dhinacyada badan ee dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasaddaba, waxanu sidoo kale gaadhsiiyay farriinta qayladhaanta abaaraha ka taagan dalka JSL iyo gurmadka looga baahanyahay dhinacooda.
Qurbajoogga ayaa dhinacooda soo dhaweeyay dadaalka xukuumadda ee wacyigelinta qurbajoogga iyo tallaabada dhismaha gudiyada ictiraaf raadinta ee qurbajoogga laga sameeyay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi wuxu uga faaiidaystay fursadan inuu kulamo la qaato masuuliyiin iyo hay’ado kala duwan oo ka mid ah dawladaha wadamadaas kuwaasoo uu kala hadlay arrimaha danaha Somaliland iyo xaaladda abaaraha ka taagan dalka; waxa ka mid ahaa kulan ay Guddoomiyaha ku weheliyeen Danjiraha Somaliland u fadhiya Sweden Rooda Jaamac Cilmi iyo xubno ka mid ah gudida jaalliyadaas oo ay la qaateen xilbaanno ka soo jeeda Xisbiga Left Party ee dalka Sweden. Waxa ka mid ahaa qodobada lagu falanqeeyay shirkaas in dawladda Sweden gacan ka soo gaysato abaaraha ka taagan dalka Somaliland taasoo ay dhinacooda Xildhibaanadu soo dhaweeyeen.
Dhismaha Gudiyada Ictiraaf Raadinta Qurbajoogga ayaa ah mid waafaqsan siyaasadda arrimaha dibadda qaranka iyo istaraatiijiyadda ictiraaf raadinta qaranka JSL.
Somaliland waxay dunida ku leedahay qurbajoog tiro badan oo waxtar badan, waxanay xukuumadda Somaliland dardargelinaysaa sidii loo xoojin lahaa doorka jaalliyadaha ee qaybalka horumarka qaranka uu ku jiro dadaalka ictiraaf raadintu iyo guud ahaan isku xidhka dalka iyo dadkiisa dibadda ku baahsan.

Posted by Somaliland Diaspora Agency
Hargeisa, Somaliland
sldiasporaagency@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews