berberatoday.com
Gudoomiyaha Wadani oo olalihii siyaasadeed Goblka saaxil ka wada isagoo gudidada doorashooyinka dhag jalaq usiin go’aankii shalay ay soo saareen
March 9, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Berbera(Berberatoday.com)-Weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo socdaal ay ku wacyi-gelinayaan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta

Berbera)Xogreebnews)-Weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo socdaal ay ku wacyi-gelinayaan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha maalintii labaad ku maraya deegaano ka mid ah gobalka Saaxil, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey deegaanada Bariga magaalada Berbera.
Waxaana weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka, ay shacbi weynaha ku dhaqan deegaanadaasi ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo calanka liimiga ah ee astaanta u ah xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kalena ku dhawaaqayey erayo iyo sida oo kale hadalo ay ku muujinaayeen sida ay diyaarka ugu yihiin in isbedel dhabba uu ka hanaqaado guud ahaan qaranka Somaliland. Shacabkan oo sida oo kalena muujinaayey sida ay ugu heelan yihiin xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ka dhabeynaaya dareenkooda isbedel ee ay doonayaan in ay ku bedelaan xisbiga Kulmiye kuna dooranayaan xisbiga xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in guud ahaan ay si xoogga ugu faraxsan yihiin in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti uu hoggaaminayaa ay soo gaadhaan deegaanadaasi oo qaar ka mid ah ay tahay markii ugu horreysay ee mas’uul ka socda dawladda Somaliland uu soo gaadho, waxaana ay si dhabba u muujiyeen in ay taageero hiil iyo hoo ah ay mar walba la garab taagan yihiin xisbiga WADDANI. “Soo dhawaada…Soo dhawaada….Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa aanu ku faraxsanahay socdaalka aad nooggu timi adiga oo ka nagu wacyi-gelinaaya arrimo annaga dan noo ah, waxa aad noo muujisay sida aad nooggu heelan tahay in aad wax nagala qabato baahiyaha na haysta ee ay ugu horreyso caafimaadka, waxbarashada iyo ceelal biyood oo aan gebi ahaanba ka jirin deegaamadan oo aad u ballaadhan, xisbiga Kulmiye waa uu na dayacay, hadana waxa na lagu tiriyaa in aanu nahay beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Siilaanyo se waxa aanu rajeynaynaa in aad adigu abaalkayagaas noo gudi doontid oo WADDANI uu noqon doono mid noogga hiiliya Kulmiye, waxaana aad oggaataa guddoomiye in aanu nahay beeshii kugu soo dhaweysay Balli-dhiig ee ballan-qaaday codkaaga, annagu Balli-dhiig waxa aanu nahay mataano, reerka Habar-jeclo la yidhaahdaana meel ayuunbay wada maraan, maantana waxa ay wada marayaan waa xisbiga WADDANI.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah dadweynahii deegaanadaasi.
Xoghayaha guud iyo ku xigeenkiisa, xoghayaha dalxiiska, xoghayaha xidhiidhka goballada, aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, xildhibbaan Aareeye, Cali Cantar, guddoomiyaha garabka haweenka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qaabka diiran ee looggu soo dhaweeyey deegaanadan, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay wadaan xisbi ka shaqeynaaya horumarka iyo danta qaranka Somaliland isla mar ahaantaana ka shaqeynaaya midnimada shacabka walaalaha ah ee dega guud ahaan Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna si tuulo tuulo iyo degmo ula hadlay shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi, ayaa ugu horreyn sheegay in uu si weyn uga mahad-celinaayo qaabkan tolmoon ee shacabka ku dhaqan deegaanadan bariga Berbera ay ugu soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in aanay u soconin olole doorasho balse ay u socdeen siddii shacabka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada gobalka Saaxil ay ugu wacyi-gelin lahaayeen in ay ka qeyb-qaataan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta oo mustaqbal ahaan muhiim u ah noloshooda. “Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhaweyntiina, weftigayaguna maaha mid olole ah, waxa kaliya aanu idiin ku nimi in aanu idin ku wacyi-gelino diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo ka billaabmaysa gobalka Saaxil, waxa aan idin ku dhiirinayaa in aad ka qeyb-qaadataan diiwaan-gelinta oo muhiim u ah mustaqbalkiina, waxaana lagu qiimeyn doonaa adeegyada aad helaysaan ee ay ugu horreyso waxbarashada, caafimaadka iyo weliba adeegyada kale ee aadka u muhiimka ah ee aad u baahan tihiin.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews