Madaxweyne Siilaanyo Oo Maalinta Axada Safar Aan Lashaacin Kaga Dhoofaya Madaarka Berbera Iyo Qorshaha Safarka Uu Kasoo Shaqeeyey Wiilka Soddoga Iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera Oo Dawlada Imiraatka Carabta Laga Kireynayo
March 9, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wararka saacadihii u danbeyeey ee caawa naga soo gaadhay qasriga madaxtooyadda Somaliland, ayaa sheegaya in maalinta axada ah uu madaxweyne siilaanyo si qarsoodi ah uga dhoofi doono Maadarka caalamiga ah ee Berbera.
Sidoo kale, Xoggaha ay heleyso shabakadda Wararka ee Berberatoday.com, waxa ay intaa ku darayaan in Madaxweynaha iyo waftiga uu horkacayo ay safarkooduu ku aadan yahay dalka Imaaraadka, halkaasoo sida Wararku sheegaan uu tagaayo hindise Dawladda Imaaraadku ka leedahay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera, kaasoo dawlada imaaradku damacsan tahay inay la wareegto.